Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa sanadkan finalka Champions Leaque-ga ka soo wareejiyay magaalada St Petersburg ee dalka Russia Ayagoo Usoo Wareejiyey Magaalada Paris ee Caasimada Dalka Faransiiska, Arinkaan Ayaa Waxuu Ka dhashay duulaankii Ruushku uu ku qaaday Dalka ay dariska yihiin ee Ukraine, sidaana waxa lagu sheegay bayaan uu soo saaray xidhiidhka kubbada cagta Yurub Maanta oo Jumco ah. – (Reuters)
Gazprom Arena, St Petersburg
UEFA ayaa sidoo kale sheegtay in kulamada gurigooda ee kooxaha Ukraine iyo Ruushka iyo xulalka qaranka ee ku tartamaya tartamada UEFA lagu ciyaari doono garoomo dhexdhexaad ah "ilaa amar dambe".
Stade de France, Saint-Denis
Kulanka Kama Dambeysta ah ee Champions League ayaa hadda lagu qaban doonaa garoonka Stade de France ee Saint-Denis saacada marka ay tahay 20:00 GMT (23:00 XGA) ee May 28.