Koobka Adduunka ee Qatar ka dhici doona ayaa waxaa ka harsan bilooyin kaliya, waxaana inta badan soo idlaadey isreeb-reebkii loogu soo baxayay. Taas ayaa la macno ah in la gaadhay wakhtigii la ogaan lahaa 8-da Group ee tartankan iyo sida qaramadu isku guruub u noqon lahayeen.
Goorma Ayaa La Sameynayaa Isku Aadka Guruubyada ee Koobka Aduunka?
Isku aadka Guruubyada ee Koobka Aduunka ayaa dhici doona saacadu marka ay tahay 19:00 Fiidnimo XGA, maalinta Jimcaha ah ee 1-da Bisha April, waxaana lagu qaban doonaa caasimda dalka martigelinaya Sanadkan ee Doha. Isku Aad-ka Koobka aduunka si toosa ayaad Degalkaan Uga Daawan Kartaa.
Halkaan.Waxyaalaha Mudan In La Ogaado:
Koobka Adduunka ayaa sanadkan noqonaya kii ugu horeeyay ee abid lagu qabto wadamada Carabta.
Sidoo kale waa markii labaad ee Koobka Adduunka lagu qabto gebi ahaanba qaarada Aasiya - Kii Hore ayaa 20 sanno ka hor lagu qabtay (South Korea & Japan 2002.)
Dabcan, Qatar 2022 Ayaa Taariikhda ku galaya inuu noqday Kii ugu horeyey ebid ee la qabto waqtiga jiilaalka"Winter-ka".
Tartanka Koobka Aduunka ayaa socon doona inta u dhaxaysa 21-ka November ilaa 18-ka Diseembar ee Sanadkan, Sababta Waqtigan looga dhigay ayaa ah cimilada oo kulayl ah waqtiga xagaaga ee dalka Qatar.
Sidee Isku Aadku U Dhacayaa?
Dheriyada isku aadka Koobka Adduunka ayaa lagu jaangooyn doona sida ay Qaramadu ugu kala sareeyaan qiimeynta Fifa ee FIFA's ranking.
Maaddaama Qatar ay martigelinayso tartanka, waxa si toos ah loogu jaangeyn doonaa Group A.
Koox kasta oo dheri ku jirta waxaa loo qoondayn doonaa Guruub, laga bilaabo Dheriga 1, ilaa kan ugu dambeeyo ee Dheriga 4.
Dheri kasta si buuxda ayaa loo faaruqin doonaa ka hor inta aan loo gudbin dheriga ku xiga.
Kooxaha isku xariirka ah ayaa la kala leexin doonaa - marka laga reebo xariirka kubbada cagta ee yurub (UEFA).
Shan ka mid ah siddeedda guruub ayaa ka koobnaan doona laba kooxood oo Yurub ah, maadaama ay jiraan dalal badan oo ka socda UEFA marka loo eego xiriirrada kale.
Jaantuska Hoose ka daalaco sida Qaramadu u kala geli doonan Dheriyada "Pots":
Wadamada Ilaa Haatan Soo Gudbay Iyo Xariirada Ay Ka Socdaan:
Xul-Ka |
Xariirka |
---|---|
Qatar |
AFC |
Germany |
UEFA |
Denmark |
UEFA |
Brazil |
CONMEBOL |
Belgium |
UEFA |
France |
UEFA |
Croatia |
UEFA |
Spain |
UEFA |
Serbia |
UEFA |
England |
UEFA |
Switzerland |
UEFA |
Netherlands |
UEFA |
Argentina |
CONMEBOL |
Iran |
AFC |
South Korea |
AFC |
Japan |
AFC |
Saudi Arabia |
AFC |
Ecuador |
CONMEBOL |
Uruguay |
CONMEBOL |
Canada |
CONCACAF |
Ghana |
CAF |
Senegal |
CAF |
Portugal |
UEFA |
Poland |
UEFA |
Tunisia |
CAF |
Cameroon |
CAF |
Morocco |
CAF |
Mexico |
CONCACAF |
United States |
CONCACAF |