Tartanka UEFA Champions League ayaa markale dib loo daawan doonaa iyadoo la ciyaari doono kulamo xiiso leh oo semi-finalka ah asbuucan,kooxaha awooda lee ceegaaga ee Real Madrid iyo Manchester City ayaa caawa kulan la wada sugayo kuwada ciyaaraya gegida kooxda ku ciyaarta funaanada cirka u eg ee Etihad Stadium.
Man City vs Real
- 🏆 Tartanka: UCL.
- 🏅 Wareega : Semi Final.
- 🏟 Gigida : Etihad.
- 🎤 Tabinta : Arb/Eng.
- ⌚ Waqtiga : 22:00 XGA.
Man City 4-3 Real Madrid
Xogta Guud ee Kooxaha
Manchester City ayaa haatan hogaanka u haysa kala saraynta horyaalka Premier league waxayna xili ciyaareedkaan si fiican ugu naaloonayaan hogaaminta togan ee khabiirka reer Spain macalin Pep Guardiola. Cityzens ayaa 5-1 ku xasuuqday Watford kulankoodii asbuucan ee horyaalka waxaana laga filayaa kuwo aan inaba indho naxariis leh laga arki doonin marka ay caawa wajahaan kooxda ugu guulaha badan Yurub.
Real Madrid ayaa sidoo kale ku damaashadeysa halka ugu saraysa ee kala saraynta horyaalka La Liga ayadoo sanadkan uu horumar la taaban karo ku sameeyey tababare Carlo Ancelotti. Los Blancos ayaa guul raaxo leh ka gaartay Osasuna oo ay kaga badisay 3-1 isbuucaan, waxaana ay kalsooni ku qabtaa iney meel iska saari karto City.
Iska Hor Imaatinada Kooxahan
- Real Madrid ayaa rikoor wanaagsan ka heysata Manchester City, waxaana ay badisay shan ka mid ah siddeedii kulan ee ay wada ciyaareen labada kooxood, iyadoo kooxda ay caawa wajahayso ee Manchester City ay seddex guul gaartay.
- Manchester City ayaan lafteedu dab yar shideyn waxayna ku dhiiradeen iney Los Blancos garaacaan labadii lugoodba iska hor imaadkoodii kan ka horeeyey ee Champions League-gii 2020 iyagoo celcelis ahaan kaga badshey 4-2.
- Real Madrid ayaan wax guul ah gaarin 3-dii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay Manchester City tartanka UEFA champions League waxana ay u baahan doontaa in ay soo bandhigto qaab ciyaareedkeeda ugu fiican kulanka caawa.
- Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa laba jeer oo hore Real Madrid ku reebey wareegyada bugbaxa Champions Leaque-ga wuxuuna noqon karaa tababarihii ugu horeeyay ee taariikhda tartankan saddex jeer ka guulaysta.
- Real Madrid ayaa dhawaanahan rikoor xun ka heysata kooxaha Ingiriiska ee tartanka UEFA Champions League, waxaana ay badisay kaliya hal kulan lixdii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaartay kooxaha Premier League.
- Pep Guardiola ayaa marka ay noqoto ka hor imaatinkiisa dhigiisa Carlo Ancelotti haysta rikoor cajiib ah waxaana uuna ka badiyay afar ka mid ah lixdii kulan ee ay ku lug lahaayeen labada tababare.
Saadaasha Kulanka
Manchester City ayaa caqabado adag kala kulmeysey tartanka UEFA Champions League ku dhawaad mudo 10 sano ah oo ay ku harayeen heererka kala dugan, lkn guushii ay ka gareen kooxda reer Spain ee Atletico Madrid ayaa ina tusineysa in kooxdu tahay mid dhiiran oo isku soo dhaarsatay bal ugu yaraan iney sanadkan hantaan koobka dhegaha weyn leh ee dhamaan kooxaha reer Yurub ku hamiyaan.
Real Madrid ayaa u muuqata mid gacanta bidixba marhore ku qabsatay horyaalka La Liga, iyadoo ay muuqataba iney gacanta midig usii baneysey horyaalka kooxaha reer Yurub marka la eego soo noqoshooyinkii caajiibka ahaa ey kooxdu sameysey kulamadii PSG iyo Chelsea.
Kulanka ayaa noqon doona mid aan sahleyn kadib markii labdaan kooxood caawa ay madaxa is daraan, lkn Manchester City ayaa ku sugan gurigeeda taas oo ay suurto gal tahay iney faa'iido u noqoto siisana jaanis ay ku gacan sareyso kulankaan.
Saadasheyda: Man City 2:1 Real Madrid
Saadashada Nagula Wadaag Halkaan.