Falanqeynta, Saadaasha Iyo Daawashada Kulanka Kooxaha Liverpool Iyo Villarreal.

Koobka horyaalada Yurub ayaa caawa markale la ciyaari doona kulan ka tirsan semi-finalka, kadib kulankii xiisaha badnaa ee ay xalay madaxa isku dareen kooxaha ka kala socday England iyo spain. Sidoo kale caawana waxaa madaxa is gellin doona kooxo kala socda labadaas wadan. Liverpool ayaa mininkeeda ku qaabili doonta kooxda reer Spain ee Villarreal.

Liverpool Vs Villarreal

  • 🏆 Tartanka: UCL.
  • 🏅 Wareega : Semi Final.
  • 🏟 Gigida : Anfield Road.
  • 🎤 Tabinta : Arb/Eng.
  • Waqtiga : 22:00 XGA.
ⓘ Kulankaan Wasoo Dhamaaday:

Liverpool 2:0 Villarreal

Xogta Guud ee Kooxaha

Villarreal ayaa ku jirta kaalinta 7-aad ee kala saraynta horyaalka La Liga iyaga oo aan soo bandhigin qaab ciyaareed aad u fiican marka ay noqoto dhanka horyaalka xilli ciyaareedkan. Wiilashan Jaallaha ku ciyaara ayaa 2-0 kaga badiyay Valencia kulankoodii u dambeyey ee horyaalka, waxaana ay isku dayi doonan iney guul kasoo hoyaan Kulanka caawa.

Dhanka kale Liverpool ayaa ku jirta kaalinta 2-aad ee kala saraynta horyaalka premier League wakhti xaadirkan waxana ay ilaa haatan soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah. Wiilashan Merseyside kasoo toosa ayaa 2-0 kaga badiyey kooxda ay xafiiltamaan ee Everton Isbuucaan, waxeyna haystaan kalsooni badan oo ay guul kaga soo hoyin karaan kulankaan.

Iska Hor Imaatinada Kooxahan

  • Liverpool Iyo Villarreal ayaa Kulankoodi ugu dambeyey iskaga horyimid Europe League sanadkii 2016-kii.
  • Labadaan kooxood ayaan kala haysan badan aad u kala badan marka ay noqoto is wajahooda, midkastana hal kulan ayuu badiyey.
  • Liverpool ayaa natiijo 3-0 ah kaga adkaatay Villarreal kulankii ugu dambeyey kaas oo ay isku arkeen gigida kooxda gaduudan ee Anfield.
  • Villarreal ayaa qaab ciyaareed soo bandhigtey xilli ciyaareedkan marka ay noqoto Champions League ayagoo kuwa kooxaha ka mida kuwa Yurub ugu waa weyn ka ciribtay horyaalka.

Saadaasha Kulanka

Liverpool ayaa ah kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga tartankan UEFA Champions League marka la eego bandhigooda iyo isku xirnaantooda. Ciyaartoyda ka yimid qaarada madow ee Mohamed Salah iyo Sadio Mane ayaa si fiican uga dhex muuqday kooxda uu leyliyo macalinka reer Germany ee Jurgen Klopp, waxayna diyaar u yihiin iney guul kala hoydaan kulankaan.

Villarreal ayaa soo bandhigtay isku xirnaan iyo hufnaan dhameystiran waxayna sameyn doonaan waxkasta oo ay awoodaaan si ay cagta u saaraan finalka Champions League-ga.

Liverpool waa koox ka qirro iyo awood weyn marka loo eego dhigooda Villareal, laakin sida horey loo yiriba kubada cagtu waa cadaan iyo madow marka ay noqoto kulamada bugbaxa ah. Waxaan fileynaa inaan daawano kulan u xamaasad badan sida kii xalay ka qabsoomay gigida Etihad, hase ahaate Liverpool koox la sahlan karo maahan.
Saadasheyda: Liverpool 3:1 Villarreal
Saadashada Nagula Wadaag Halkaan

Ku Xirnoow FiirsoHada

Iska Xir ⇩