Falanqeynta, Saadaasha Iyo Daawashada Kulanka Kooxaha Manchester United Iyo Chelsea.

Manchester United oo ku jirta xaalad jahawareer ah ayaa caawa Chelsea ku soo dhawaynaysa Old Trafford ayagoo wada yeelanaya kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Manchester United ayaa wali jaanis u heli karta iney kasoo muuqato afarta koox ee ugu sareysa tartankan xisaab ahaan, Waxa ay hada ku jiraan kaalinta lixaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League, iyagoo leh 54 dhibcood 34 kulan oo ay ciyaareen. Arsenal oo todobaadkan 3-1 ku garaacday Red Devils ayaa ku jirta kaalinta 4-aad iyada oo leh 60 dhibcood 33 Kulan oo ay ciyaartey.

Man United vs Chelsea

  • 🏆 Tartanka: EPL.
  • 🏅 Kulanka : 35-Aad.
  • 🏟 Gigida : Old Trafford.
  • 🎤 Tabinta : Arb/Eng.
  • Waqtiga : 21:45 XGA.

Xogta Guud ee Kooxaha

Magacaabista Erik ten Hag ayaa rajo aad u sareysa ku abuurtay Manchester United, taas oo rajjo badan siineysa kooxdan quusta taagan inkastoo ay adagtahay iney taasi caawiso inta ka dhiman xilli ciyaareedka.

Kooxda Ralf Rangnick ayaa laga badiyay seddex ka mid ah afartii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League, waxaana ay haatan si wax ku ool ah u dileen rajadooda ah inay ku dhameystaan afarta sare.

Dhanka kale, Chelsea ayaa u muuqata inay si raaxo leh ugu soo baxayso afarta sare, iyagoo 65 dhibcood ka helay 32 kulan oo ay ciyaareen Premier League ilaa hadda. Blues ayaa heshay 3-dii dhibcood kulankii ay la ciyaartay West Ham United,waxana ay uga mahadcelinaysaa goolkii guusha ee waqtigii dhimashada uu dhaliyay Christian Pulisic.

Kooxda Thomas Tuchel ayaa laga yaabaa inay farqi sideed dhibcood u dhaxeyn karto iyaga iyo Arsenal haddii ay guul ka gaaraan Manchester United kulanka ay habeenimada caawa ah la leeyihiin.

Sida ay wax ugu socdeen United toddobaadyadii la soo dhaafay, khasaare kale oo culus ayaa laga yaabaa inaysan la yaab ku noqonin wakhtigan quusta ah.

Iska Hor Imaatinada Kooxahan

  • Chelsea ma aysan garaacin Manchester United sideedii kulan ee ugu danbeysay ee ay kula ciyaartey mininkooda. Saddex waa laga badiyay, shanna bar baro ayay galeen.
  • Manchester United ayaan wax guuldaro ah la kulmin sideedii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Chelsea.
  • Manchester United ayaa ku guulaysatay in ay shabaqeeda ilaashato afar kamida shantii kulan ee ugu danbeeyay ee ay wajahday Chelsea.
  • Tani waxay noqon doontaa markii ugu horeysay ee Manchester United iyo Chelsea ay madaxa is gallin doonaan kulan ka tirsan Premier League maalin Khamiis ah.
  • Manchester United ayaan wax guuldaro ah la kulmin todobadii kulan ee ugu danbaysay oo horyaalka ah ee ay ku ciyaartay garoonkeeda, afar guul ayay gaartay waxeyna barbaro gashay saddex kulan.

Saadaasha Kulanka

Manchester United ayaan lahayn harka kooxdii ku dhameysatay kaalinta labaad ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore. Waxaa laga badiyay seddex kulan, waxaana ay badiyeen kaliya hal kulan shantii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka.

Chelsea ayaa ah lafteedu mid marxalad cakiran ku jirto lkn waxay fursad ka heli doontaa kooxdan aan isku kalsoonayn ee United. Blues waa in ay guul gaarto kulankaan, waxaana laga yaabaa in arrimuhu ay ku sii xumaadaan Red Devils.
Saadasheyda: Man United 2:1 Chelsea
Saadashada Nagula Wadaag Halkaan

Ku Xirnoow FiirsoHada

Iska Xir ⇩