Finaalaha Koobka FA Cup-ka ayaa waxa uu caawa dhexmari doonaa doona labbo kamid ah kooxaha ugu waa wayn Premier League, kooxda kaalinta 3aad kaga jirto horyaalka ee Chelsea ayaa Wembley Stadium ku wajihi doonto kooxda haatan fadhida kaalinta 2aad ee horyaalka Liverpool.
Labada kooxood ayaa haatan haysta safaf cajiiba oo sameeyey bandhigyo aan inaba caadi ahayn xilli ciyaareedkan balse kulan ayaa lagu go'aaamin doona kooxda hanan doonta tartarnaka FA Cup.
Chelsea vs Liverpool
- 🏆 Tartanka: FA Cup.
- 🏅 Wareega : Final.
- 🏟 Gigida : Wembley.
- 🎤 Tabinta : Arb/Eng.
- ⌚ Waqtiga : 18:45 XGA.
Saadaasha Kulanka
*Hoos Ka Daalaco Saadalaha ay Kulankaan Ka Sameeyeen Jariiradaha Ugu Caansan ee Saadaliya Kulamada Kubada Cagta, Sidoo Kale Saadaasheena Kama Marno Adna Taada Waad Dhiiban Kartaa.
Sadaalaha |
---|
WhoScored
Chelsea 1-2 Liverpool
Predictz
Chelsea 1-1 Liverpool
Forebet
Chelsea 2-2 Liverpool
FOOTBALL5STAR
Chelsea 0-1 Liverpool
Fiirso Hada
Chelsea 2-3 Liverpool
Saadashaada?
Nagula Wadaag Halkaan
Xoggo Xiiso-Leh
- Chelsea ayaa badisay 14 ka mid ah 17-kii kulan ee ugu dambeeyay ee FA Cup-ka.
- Chelsea ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee FA Cup.
- Liverpool ayaa dhalisay ugu yaraan laba gool 6 ka mid ah 7dii kulan ee ugu dambeeyay ee FA Cup-ka.
- Liverpool ayaa badisay 7 ka mid ah sideedii kulan ee ugu dambeeyay.
- Thomas Tuchel ayaa ka horyimid Liverpool 8 jeer tan iyo 2016 isagoo hogaaminaya Borussia Dortmund iyo Chelsea, 2 guul, 3 barbaro, 3 guuldarro.
- Klopp waxa uu ka horyimid Chelsea 18 jeer 8 guul, 6 barbaro iyo afar guuldarro.
- Saadaalinta Chelsea vs Liverpool ayaa ah mid xiiso leh sababtoo ah labada kooxood ayaa ku kala baxayay barbaro 3-dii kulan ee ugu dambeeyay.
Garsoor-Ka
- Kulanka Chelsea vs Liverpool waxaa garsoori doona Craig Pawson.
- Pawson ayaa Kulamada Chelsea dhex dhexaadiyay 25 jeer isaga oo bixiyay 32 kaar oo digniin ah iyo 3 kaadh casaan ah.
- Rikoorka Chelsea ee kulamada uu garsooraha ka ahaa Pawson: 17 guul, 1 barbaro, 7 guuldarro ah.
- Kualamao ay dheeshay Liverpool ayuu 32 jeer garsoore ka ahaa Pawson, isagoo bixiyey 41 jaale ah.
- Rikoorka Liverpool ee kulamada uu garsooraha ka ahaa Pawson: 20 guul, 5 barbaro, 7 guuldaro.
Xaalada Kooxaha
Kooxda chelsea ayaa ku jirta kaalinta 3-aad ee kala saraynta horyaalka premier League todobaadyadii u dambeeyay. Blues ayaa 3-0 kaga badisay Leeds United kulankeedii hore, waxaana ay u baahan doontaa inay si adag u shaqeyso si ay natiijo la mid ah isbuucaan u gaarto.
Dhanka kale Liverpool ayaa ku jirta kaalinta 2-aad ee kala saraynta horyaalka wakhti xaadirkan waxana ay dagaal adag kula jirtaa kooxda Man City oo ku guulaysata hanashada horyaalka premier League. Kooxda Merseyside-ka ayaa guul muhiim ah ku soo xasuuqday Aston Villa usbuucan 2-1, waxayna kalsooni ku qabtaa ka hor kulankaan.
Liverpool ayaa rikoor taariikhi ah oo cajiib ah ku leh kooxda Chelsea, waxaana ay badisay 83 ka mid ah 191 kulan oo ay wada ciyaareen labada kooxood. Chelsea ayaa 65 guul ka gaadhay Liverpool waxayna doonaysaa in ay sabtida soo saarto guuldarada.
Kulankii hore ee labada kooxood dhexmaray ayaa horaantii sanadkan ka dhacay koobka EFL Cup wuxuuna ku dhamaaday rigoorayaal ay guusha ku raacday Liverpool. Labada kooxoodba waxay ku guuldareysteen inay gool ku dhaliyaan ciyaar furan maalintii waxayna doonayaan inay noqdaan kuwa caafimaad badan isbuucaan.