Tartanka UEFA Champions League ayaa markale caawa dib loo ciyaaraya kulan kale oo semi-finalka ka tirsan iyadoo Markaan Real Madrid ay Mininkeeda Santiago Bernabeu kusoo dhaweyn doonto kooxda Manchester City. Man City ayaa kulankii horre ee lugta kowaad lagu ciyaarey gigeeda Etihad ku adkaadatay 4-3. Real Madrid ayaa u baahan guul ugu yaraan farqi 2 gool ah si'ay final-ka ugu gudubto.
Real vs Man City
- 🏆 Tartanka: UCL.
- 🏅 Wareega : Semi-Final.
- 🏟 Gigida : Bernabeu.
- 🎤 Tabinta : Arb/Eng.
- ⌚ Waqtiga : 22:00 XGA.
Saadaasha Kulanka
*Hoos Ka Daalaco Saadalaha ay Kulankaan Ka Sameeyeen Jariiradaha Ugu Caansan ee Saadaliya Kulamada Kubada Cagta, Sidoo Kale Saadaasheena Kama Marno Adna Taada Waad Dhiiban Kartaa.
Sadaalaha |
---|
WhoScored
Real Madrid 2-3 Man City
SportsMole
Real Madrid 2-2 Man City
Squawka
Real Madrid 2-2 Man City
FOOTBALL5STAR
Real Madrid 2-2 Man City
Fiirso Hada
Real Madrid 2-1 Man City
Saadashaada?
Nagula Wadaag Halkaan
Xogta Guud ee Kooxaha
Manchester City ayaa hadda hogaanka u haysa kala saraynta Premier League waxayna u dagaalamaysaa sidii ay xili ciyaareedkan ugu guulaysan lahayd horyaalka. Cityzens ayaa 4-0 ku xasuuqday Leeds United kulankoodii horyaalka ee asbuucaam, waxayna haystaan kalsooni badan iney caawa natiijo wanaagsan kasoo hoyin karaan kulankaan.
Dhanka Kale Real Madrid ayaa xiliciyaareed kaan gacanta bidix ku qabsatay horyaalka ayagoo rajeynaya iney gacanta midigna ku qabsadaan koobkan ay ugu guuleysiga badanyihiin. Ayagoo horaaantii asbuucan u dabaaldeegay xaqiijiyeyna hanashada horyaalka La Liga kadib kulan Los Blancos ayaa 4-0 kaga badisay Espanyol oo marti ugu ahayd mininkooda, Cadcadku waxay haystaan niyad dhisan iyo rajjo fiican waxeyna diyaar u yihiin iney caawa u gudbaan final-ka horyaalkan.
Xoggo Xiiso-Leh
- City ayaa badisay 4-tii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay Madrid tartamada oo dhan.
- City ayaa dhalisay ugu yaraan 2 gool 4-tii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay Madrid tartamada oo dhan.
- City ayaan laga badinin 5-tii kulan ee ugu dambeeyay Champions League.
- City lagama badin meel ka baxsan garoonkeeda tartamada oo dhan tan iyo December 2021.
- Madrid 3 jeer kaliya looga badiyey gurigooda xilli ciyaareedkan, laakiin 2 ka mid ah waxa ay dhaceen 4-tii kulan ee ugu dambeeyay oo ay gurigooda ku ciyaareen, Barcelona iyo Chelsea.
- Manchester City ayaa u gudubtey wareega xigga sagaal ka mid ah kulamada is reeb reebka ee ugu dambeeyay oo ay lugtii hore guul xaqiijisey.
- Dhinaca kale, Real Madrid ayaa laga reebey dhamaan kulamadii semi-finalka Champions League kuwaas oo lugtii hore laga soo badiyay.
Garsoor-Ka
- Kulankaan waxaa dhexdhaxaadin doona garsooraha qabiirka ah ee u dhashay dalka Italy, Daniele Orsato.
- Orsato ayaa dhexdhexaadiyey 5 kulan oo Champions League ah xilli ciyaareedkan isaga oo bixiyey 29 kaar oo Jaalle/Hurdi ah iyo 1 Gaduud/casaan ah.
- Rikoorka Madrid ee kulamada uu garsooraha ka ahaa Orsato: 5 kulan, 2 guul iyo 3 guul darro.
- Rikoorka City ee kulamada uu dhex dhaxaadiyey garsoore Orsato: 4 kulan, 3 guul iyo 1 guuldarro ah.