Labada kooxood oo ka mida kuwa ugu fiican taariikh ahaan iyo watqi xaadirkaanba qaarada Yurub, ayaa caawa isku arki doona kulan kama dambeysta ah ee koobka horyaalda yurud ee UEFA Champions League-ka Liverpool iyo Real Madrid ayaa midkood loo cimaamadi doonaa ku guuleystaha koobkan.
Haa, finalka Champions League wuxuu soo afjari doonaa dhammaan tartamada Yurub xilli ciyaareedka 2021-2022. Waxa uuna kulan ka qabsoomi doonaa magaalada Paris gaar ahaan gigada caanka ah ee Stade de France, labada kooxoodba waxaa caawa laga filayaa iney soo bandhigaan qaab ciyaaroodkooda ugu fiican si ay u hantaan koobkan.
Liverpool ayaa isha ku haysa koobkeedii todobaad. Dhanka kale, Los Blancos waxa ay dooneysaa in ay kor usii qaadaan sheegashadooda ah in ay yihiin boqorada Yurub midaas oo ku fadhisa kursi ka samaysan 14 koob.
Xilli ciyaareedkan wadada Reds ay usoo martay Final-ka ayaa ahayd mid fudud. Xaqiiq ahaan kaliya Inter Milan ayay ahayd midii ugu adkeyd ee ku wajahaan wareegyada bug-baxa. Kulamadii kale ee wareegyada bug-baxa Kooxda Juergen Klopp ayaa ka takhalustay Benfica iyo Villarreal.
Si ka duwan Midaas. Kooxda Real Madrid ayaa seddex jeer ku qasbanaaday inay sameeyaan soo laabashooyin cajiiba ayagoo afka ciida usoo daray kooxaha ugu adkaa qarada Yurub oo weliba qaarkood loo rajeynayo iney ku guuleysan kareen Horyaalkan Real ayaa banaanka ka dhigtay tartanka xili ciyaareedkan kooxaha kala ah Paris Saint-Germain, Chelsea, iyo Manchester City.
Sida aan qiyaasi karnaba wiilasha Madrid ka yimaada ee dharka cadcad xidhaa waxay soo mareen wado qodxo badan ayagoo soo qaatay qibrad iyo dhiiranan badan taas oo u sahli karta iney caawa la hoydaan Horyaalka Kooxaha Yurub.
Dhanka Kalase waxaan la sahlan karin Reds oo xilli ciyaraadkeen muujisey bandhig aan inaba caadi ahayn ayagoo natiijooyin la taaban karo kasoo hoyay tartankasta oo ay ka qayb galeen, waxay kuu guuleysteen 2bo final oo ay gareen sidoo kale horyaalka EPL-ka ayaa dhibco yar loogaga qaaday.
Waxaan Filankarnaa uun kulan aysan suurto galba noqon in inyar laga jeesto muqaal-ka ciyaarta xiisihiisa awgii.
LIverpool vs Real Madrid
- 🏆 Tartanka: UCL.
- 🏅 Wareega: Final.
- 🏟 Gigida: Stade de France.
- 🎤 Tabinta: Arb/Eng.
- ⌚ Waqtiga: 22:00 XGA.
Saadaasha Kulanka
*Hoos Ka Daalaco Saadalaha ay Kulankaan Ka Sameeyeen Jariiradaha Ugu Caansan ee Saadaliya Kulamada Kubada Cagta, Sidoo Kale Saadaasheena Kama Marno Adna Taada Waad Dhiiban Kartaa.
Sadaalaha |
---|
WhoScored
Liverpool 2-1 Real Madrid
ScorePredictor
Liverpool 2-1 Real Madrid
Squawka
Liverpool 2-1 Real Madrid
Sportskeeda
Liverpool 2-1 Real Madrid
Fiirso Hada
Liverpool 2-2 Real Madrid
Saadashaada?
Nagula Wadaag Halkaan
Xoggo Xiiso-Leh
- Liverpool ayaan laga badinin 11-kii kulan ee ugu dambeeyay. Xitaa 10 ka mid ah waxaa u suurtagashay in ay guuleystaan.
- Champions League xilli ciyaareedkan, Mohamed Salah qayb ka qaatay 10 guul 12 kulan oo ay ciyaareen.
- Reds ayaa had iyo jeer dhalisay 2 gool iyo wax ka badan 4-tii kulan ee ugu dambeeyay champions League.
- Madrid ayaa badisay 3 ka mid ah 7dii kulan ee ugu dambeeyay.
- Champions League xilli ciyaareedkan Los Blancos ayaa la kulantay 4 guuldaro.
- 5-tii kulan ee ugu dambeeyay Champions League, Real waxa ay dhalisay 3 gool 4 jeer.
- Karim Benzema ayaa mar walba gool dhalinayay 5-tii kulan ee ugu dambeeyay Champions League.
- Liverpool wax guul ah kamaysan gaarin Madrid 5-tii kulan ee ugu dambeeyay. 4 ka mid ah ayaa waxay ku dhamaadeen guul darro.
- 5-ta kulan ee ay kulmeen Los Blancos 10 jeer ayaa la booqday shabaqa Reds.
- Waa markii seddexaad ee finalka Champions League ay ku kulmaan Liverpool Iyo Real Madrid.
- Labadii final ee hore waa ay ku kala guuleysteen.
Garsoor-Ka
- Ciyaarta finalka Champions League ee dhexmari doonta Liverpool iyo Real Madrid ayaa waxaa dhex dhexaadin doona garsooraha reer France ee Clement Turpin.
- Reds ayaan wax guuldaro ah la kulmin dhamaan kulamadii uu garsooray Turpin.
- Dhamaan ciyaarihii uu dhexdhaxaadiyey Turpin, Los Blancos ayaa guusha la hoyaneysey.
Xaalada Kooxaha
Real Madrid ayaa ahayd koox aan caadi ahayn oo dhanka horyaalka maxaliga ah, waxayna ku guulaysteen horyaalka La Liga iyagoo 13 dhibcood ku hogaaminaya. Los Blancos ayaa barbaro xiriir ah la gashay labadii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka, waxaana horyaal shaqo badan ka hor kulankaan kama dambeysta ah.
Dhanka kale Liverpool ayaa si dirqi ah ku lumisay ku guulaysiga horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan waxana ay doonaysaa in ay kasoo kabato guuldaradaas. Kooxda ka dhisan Merseyside ayaa 3-1 kaga badisay Wolverhampton Wanderers usbuucii hore, waxaana ay isku qabaan kalsooni kahor kulanka Caawa.