Tartanka UEFA Champions League ayaa markale caawa dib loo ciyaaraya kulan kale oo semi-finalka ka tirsan iyadoo Liverpool ay la ciyaari doonto kooxda reer Spain ee Villarreal. Liverpool ayaa u eg mid lugta midig la gashay Final-ka tartankan ayagoo 2:0 kulankii hore ee ka dhacay gigidooda Anfield ugu awood sheegtay Villarreal.
Villarreal vs Liverpool
- 🏆 Tartanka: UCL.
- 🏅 Wareega : Semi-Final.
- 🏟 Gigida : la Ceramica.
- 🎤 Tabinta : Arb/Eng.
- ⌚ Waqtiga : 22:00 XGA.
Saadaasha Kulanka
*Hoos Ka Daalaco Saadalaha ay Kulankaan Ka Sameeyeen Jariiradaha Ugu Caansan ee Saadaliya Kulamada Kubada Cagta, Sidoo Kale Saadaasheena Kama Marno Adna Taada Waad Dhiiban Kartaa.
Sadaalaha |
---|
WhoScored
Villarreal 0-2 Liverpool
SportsMole
Villarreal 0-1 Liverpool
FootballPredictions
Villarreal 1-2 Liverpool
FOOTBALL5STAR
VILLARREAL 1-2 LIVERPOOL
Fiirso Hada
Villarreal 2-2 Liverpool
Saadashaada?
Nagula Wadaag Halkaan
Xogta Guud ee Kooxaha
Liverpool ayaa ku jirta kaalinta 2-aad ee kala saraynta horyaalka premier League waxana ay soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah tan iyo bilowgii sanadkan. Kooxda Merseyside ka dhisan ayaa guul muhiim ah 1-0 ku garaacday Newcastle United kulankeedii u dambeyey ee horyaalka.
Dhanka kale Villarreal ayaa ku jirta booska 7-aad ee kala saraynta horyaalka wakhti xaadirkan inkastoo bandhigooda dhanka horyaalka uu ahaa mid liita sanadkaan. Kooxda martida loo yahay ayaa guuldarro lama filaan ah 2-1 kala kulantay Deportivo Alaves isbuucan, waxaana ay u baahan doontaa inay kasoo kabsato guuldoorinyaka isku xigxigey kulanka caawa.
Xoggo Xiiso-Leh
- 3-dii kulan ee ka horeeyey kulanka caawa oo ay kulmeen Villarreal iyo Livepool midna kuma soo dhaaman 0-0.
- 3-dii kulan ee ka horeeyey kulankaan ayaa sidoo kale kooxda martida loo ahaa ay ilaashatay shabaqeeda guushana la hoyatay, Liverpool 2 Jeer mar Villarreal.
- Villarreal ayaan wax guul ah ka gaarin 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay kooxaha ka socda England (1 bar-baro, 3 guuldaro).
- El Submarino Amarillo marnaba ma dhalin wax ka badan 2 gool 10-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay gurigeeda kula ciyaartay koox Ingiriis ah.
- Liverpool lagama badin 4-tii jeer ee ugu dambeysay oo ay wajahday kooxaha ka socda Spain (3 guul iyo 1 barbaro).
- Reds ayaa guul heley safarkoodii ugu dambeeyay ee ku aadeen Spain. Markaas ka hor, wax guul ah ma aysan helin 7 booqasho oo isku xigtay (1 barbaro, 6 guuldarro ah).
- Villarreal ayaa laga badiyay waxaana mar walba laga dhaliyay 2 gool 2dii kulan ee ugu dambeeyay.
- Liverpool ayaan wax guuldaro ah aysan wajihin 12-kii kulan ee ugu dambeeyay (10 guul iyo 2 bar-baro).
- Kooxda Unai Emery ayaan wax guuldaro ah la kulmin 10-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ku ciyaartay garoonkeeda (7 guul iyo 3 bar-baro).
- Reds ayaan wax guuldaro ah la kulmin 13-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda (10 guul iyo 3 bar-baro).