Falanqeynta, Saadaasha Iyo Daawashada Kulanka Finalissima ee Xulal-ka Italy Iyo Argentina.

Kulamada heer caalami ee kuabada cagta ayaa dib loo ciyaari doona waxayna caawa kusoo laabanayan ciyaar xiiso badan, kooxda heysata Copa America ee Argentina ayaa Wembley Stadium ku wajihi doonto xulka ku guuleystay Euro 2020 ee Italy kulan ayaa lagula kala guuleysan doona koob loogu Magac daray Finalissima oo hada kadib si joogta ah loo ciyaari doono. Labada kooxoodba waxay heystaan ciyaaryahano wacdaro ka dhigaya safkooda, waxaana ay doonayaan inay muujiyaan awoodooda Final-ka.

Italy ayaa si lama filaan ah ugu guul daraystay in ay u soo baxdo koobka aduunka 2022 waxaana horyaal kulan ay ku cadayn karraan awoodooda. Azzurri ayaa 3-2 ku garaacday Turkiga ciyaartii hore, waxayna isha ku hayaan inay natiijo la mid ah ka gaaraan kulankaan.

Dhanka kale Argentina waxa ay muujisey bandhig cajaa'iba intii uu horkacayay Lionel Scaloni, waxa ayna u muuqdeen xul aan lagu degdegi karin sanadkii la soo dhaafay. Albicelestes ayaa barbaro 1-1 ah gashay ciyaartan midaan ka horeysey, waxaana ay dooneysaa inay soo kabsato isbuucaan.

Italy vs Argentina

  • 🏆 Tartanka: Finalissima.
  • 🏅 Kulanka: Final.
  • 🏟 Gigida: Wembley.
  • 🎤 Tabinta: Arb/Eng.
  • Waqtiga: 21:45 XGA.

Saadaasha Kulanka

*Hoos Ka Daalaco Saadalaha ay Kulankaan Ka Sameeyeen Jariiradaha Ugu Caansan ee Saadaliya Kulamada Kubada Cagta, Sidoo Kale Saadaasheena Kama Marno Adna Taada Waad Dhiiban Kartaa.

Sadaalaha
WhoScored
Italy 0-1 Argentina
ScorePredictor
Italy 1-1 Argentina
Squawka
Italy 2-1 Argentina
Sportskeeda
Italy 1-2 Argentina
Fiirso Hada
Italy 2-1 Argentina
Saadashaada?
Nagula Wadaag Halkaan

Iska Hor Imaatinada

Italy ayaa dhanka guusha wax yar ka horaysa Argentina waxaana ay badiyeen lix ka mid ah 16-kii kulan ee ay wada ciyaareen labada xul. Argentina ayaa shan guul ka gaartay Italy waxayna isku dayi doontaa inay barbareyso dhanka guulaha kulanka caawa.

Kulankii hore ee labadaan xul ay isku arkeen ayaa dhacay 2018, wuxuuna ku dhammaaday 2-0 oo ay guushu ku raacday Argentina. Talyaanigu waa laga badiyay maalintaas, wuxuuna u baahan doonaa inuu sare u qaado qaab ciyaareedkiisa caawa si uu usoo kabsado.


Ku Xirnoow FiirsoHada

Iska Xir ⇩