Kulankaan weyn ayaa la ciyaari doonaa todobaadka labaad ee horyaalka Premier League kaas oo ay isaga hor iman doonaan kooxaha Chelsea vs Tottenham. Labaduba way guulaysteen kulamadii ay cayareen todobaadkii ugu horeeyay, laakiin bandhiga Chelsea ma ahayn mid lagu qanci karay.
Kabtanka Blues, Cesar Azpilicueta ayaa shaaca ka qaaday in dhibka kooxdiisa haatan haysata ay tahay dhanka weerarka. Waxayna taasina cadaatay kulankii Everton oo ay kaliya 1-0 ku badiyeen waxaana rigoore u dhaliyay Jorginho .
wiilasha Antonio Conte ayaa u suurtagashay inay 4-1 ku garaacaan Southampton, is bedelada uu dhanka weerarka iyo khadka dhexe ku sameyey macalinkooda ayaa maraya tijaabadii ugu horeysey marka ay gurigeeda ku wajahaan Chelsea.
Saadaasha Kulanka
*Hoos Ka Daalaco Saadalaha ay Kulankaan Ka Sameeyeen Jariiradaha Ugu Caansan ee Saadaliya Kulamada Kubada Cagta, Sidoo Kale Saadaasheena Kama Marno Adna Taada Waad Dhiiban Kartaa.
Sadaalaha |
---|
WhoScored
Chelsea 1-1 Tottenham
Sports Mole
Chelsea 2-2 Tottenham
Sportskeeda
Chelsea 2-2 Tottenham
Fiirso Hada
Chelsea 1-2 Tottenham
Saadashaada?
Nagula Wadaag Halkaan
Xoggo Xiiso-Leh
- Chelsea ayaa dhalisay ugu yaraan 2 gool 13 ka mid ah 15-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay gurigeeda kula ciyaartay Tottenham tartamada oo dhan.
- Chelsea ayaa shabaqeeda ilaashatay 6 ka mid ah 7-dii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay Tottenham tartamada oo dhan.
- Chelsea ayaan laga badinin 13-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay Tottenham tartamada oo dhan.
- Tottenham ayaa badisay 4-tii kulan ee ugu dambeeyay Premier League.
- Tottenham ayaa shabaqeeda ilaashatay 5-kulan 7-dii kulan ee ugu dambeeyay oo ay marti ahaayeen horyaalka Premier League.
- Chelsea ayaan laga badinin 5-tii kulan ee ugu dambeeyay Premier League.
Macalimiinta
- Labada tababare Thomas Tuchel iyo Antonio Conte ayaa kulmay 3 jeer oo hore. Tuchel ayaa badiyay dhamaan 3-dii kulan
- Rikoorka Conte ee Chelsea: 5 kulan, 1 guul, 1 barbaro ah iyo 3 guuldarro.
- Rikoorka Tuchel ee Tottenham waa mid Cajiib ah: 7 kulan, 7 guul.
Garsoor-ka
- Kulankaan waxaa dhex dhexaadin doona garsoore Anthony Taylor. Kani waa kulankiisii labaad ee xilli ciyaareedka.
- Taylor xilli ciyaareedkii hore wuxuu hogaamiyay 28 kulan oo Premier League ah isagoo bixiyey 103 jaale ah iyo 5 casaan ah.
- Rikoorka Chelsea markii uu garsoore Taylor ka ahaa Kulamada Premier League: 34 kulan, 17 guul, 10 barbaro iyo 7 guuldarro.
- Rikoorka Tottenham markii uu garsoore Taylor ka ahaa Kulamada Premier League: 35 kulan, 20 kulan, 4 barbaro iyo 11 guuldarro ah.