Isku aadka tartanka Champions League ee xilli-ciyaareedka 2022/23 ayaa la sameeyey, waxaana isku dhacay naadiyo waaweyn oo jeclaan lahaa in ay kala badbaadaan wareeggan hore ee group-yada, iyadoo Group-ka dhimashada ay iskugu tageen Bayern Munich, Barcelona, Inter Milan iyo Viktoria Plzen.
Xaflad lagu qabtay magaalada Istanbul ee waddanka Turkey oo lagu ciyaarayo finalka Champions League ee xilli ciyaareedkan, ayaa waxa kooxda horyaalka naadiyada Yurub difaacanaysa ee Real Madrid ay ku dhacday RB Leipzig, Shakhtar Donetsk iyo Celtic oo ay ku wada jiraan Group F, halka labada kooxood ee Paris Saint-Germain iyo Juventus ay iyaguna hormada I wada galeen, waxaana wehelinaya, Benfica iyo Maccabi Haifa.
Bayern Munich ayaa imtixaan adag mari doonta, waxaanay isku dhaceen Barcelona oo uu dhowaan u wareegay weeraryahanka reer Poland ee Robert Lewandowski oo muddo siddeed sannadood ah usoo ciyaaray Munich, waxaana Group C ku wehelinaya, Inter Milan iyo Viktoria Plzen.
Rayigaaga Nala Wadaag.
Su'aalaha |
---|
Group-Kee Ugu Adag Isku Aad-kan?
Kooxahee Ku Hari Kara Heerka Group-yada?
Fikirkaaga?
Nagula Wadaag Halkaan
Goormaa la Ciyaariyaa?
Kulamada Heer-ka Group-yada Ayaa La Ciyaari Doonaa Taarikhaha Hoos Ku Xusan
Kulan-ka | Tariikh-da |
---|---|
1 | Sept. 6-7, 2022 |
2 | Sept. 13-14, 2022 |
3 | Oct. 4-5, 2022 |
4 | Oct. 11-12, 2022 |
5 | Oct. 25-26, 2022 |
6 | Nov. 1-2, 2022 |