Lampard ayaa qirtay xiisaha ay Chelsea u qabto Anthony Gordon.
Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee da’da yar ayaa ah mowduuca lacag qaali ah oo ay u soo bandhigtay Blues, oo dooneysa inay ka dhigto qayb ka mid ah kooxda Thomas Tuchel maalmaha soo socda.
Inkastoo Everton aysan dooneyn inay iibiso, waxaa laga yaabaa inay jirto tiro u horseedaysa inay lacag caddaan ah ka helaan.
Isagoo ka hadlayay wararka xanta ah, Lampard wuxuu yiri: “Waa ciyaaryahankeena, kii ugu dambeeyayna waa la mid wixii aan idhi ka dib kulankii Nottingham Forest – waa ciyaaryahankeena, waxaana qandaraaskiisa uga haray seddex sano."
Shaxda Ciyaartoydii Ugu Fiicna UCL Sanadkii Horre Oo La Heley.
Kooxaha Liverpool iyo Real Madrid ayaa labadooduba min 4 xiddig ku leh shaxda ugu fiican UEFA ee tartanka champions League xilli ciyaareedkii hore taas oo la soo dusiyay hal maalin ka hor sidii caadiga ahayd.
Labada kooxood ayaa ku kulmay Final-ka tartanka champions League iyada oo Los Blancos ku guulaysatay markii 14-aad ee taariikhdooda kula garaacday Liverpool.
Sida caadiga ah UEFA ayaa soo saarta shaxda ugu fiican champpions League habeenka la samaynayo isku aadka tartanka champions League xilli ciyaareedka cusub.
Laakiin shaxda ayaa la soo dusiyay saacado ka hor inta aan la gaadhin isku aadka tartanka champions League.
Kooxaha Man City, PSG iyo Chelsea ayaa dhankooda shaxda ku leh min hal xiddig iyada oo Antonio Rudiger oo haatan u ciyaara Real Madrid wakhtigaas matalayay kooxda Chelsea.
Man United oo Isha La Raaceysa Xiddig Ay Horey Iskaga Dirtey.
Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa ka fiirsanaysa inay dalab ka gudbiso weeraryahan ay hore ugu khasaartay oo iyada oo lacag badan kasoo bixisay ku fashilmay Old Trafford, isla markaana amaah ay iskaga direen ka hor intii aanay ogolaanin inuu si rasmi ah uga baxo.
Tababare Erik ten Hag ayaa raadinaya weeraryahan cusub oo uu kusoo kordhiyo safkiisa, waxaana hadda diiraddiisa soo galay laacibka ay isku waddanka yihiin ee Memphis Depay oo Manchester United usoo ciyaaray intii u dhaxaysay 2015-2017, laakiin ku jira liiska xiddigaha ay ku khasaartay United.
Weeraryahanka Chelsea Callum Hudson-Odoi oo Laga Yaabo Inuu Amaah Ku Baxo.
Sida laga soo xigtay Sky Sports , ciyaaryahanka da’da yar ayaa qiimeeyay xiisaha isaga oo ka imaanaya in ka badan 20 kooxood oo Yurub ah.
Waxa uu haatan u doortay kooxda reer Jarmal ee Bayer Leverkusen in ay noqoto kooxda xilli ciyaareedkan.
Hudson-Odoi ayaa xilli ciyaareedka ku qaadan doona Bundesliga , halkaas oo uu rajaynayo in kooxda koowaad ee kubada cagta ay dib u soo ceshato xirfadiisa ciyaareed.