Hudson-Odoi ayaa ogolaaday inuu u dhaqaaqo Germalka.
Bayer Leverkusen ayaa ku dhow inay heshiis la gaarto garabka Chelsea Callum Hudson-Odoi .
Hudson-Odoi ayaa diyaar u ah inuu heshiis amaah ah ugu tago Chelsea , waxaana lagu wadaa inuu u duulo Jarmalka si uu qalinka ugu duugo heshiis hal xilli ciyaareed ah.
Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa ku dhibtooday muddo daqiiqado ah intii uu hogaaminayay tababare Thomas Tuchel.
Antony Oo Gaadhay Garoonka Tababarka Man United.
Weeraryahanka reer Brazil ee Antony oo maanta ka degay magaalada Manchester ayaa hadda gaadhay garoonka tababarka Manchester UNited ee Carrington oo uu ku marayo tijaabada caafimaadka, waxaana dhinaca kale la diyaarinayaa war-saxaafadeedkii ay United sida rasmiga ah ugu shaacinaysay saxeexiisa.
Manchester United ayaa Antony kala soo wareegtay Ajax oo ay kaga soo iibsatay lacag gaadhaysa £84 milyan oo Gini ayaa la filayaa in uu caawa dhamaystiro tijaabada caafimaadka, isla markaana la shaaciyo heshiiskiisa.
Tijaabada Caafimaadka uu marayo Fofana.
Chelsea ayaa dooneysa daafaca ka tagaya Leicester City Wesley ee Fofana inuu tijaabada caafimaadka ku maro Mareykanka.
The Athletic ayaa ku warameysa in Chelsea ay u duulisay Fofana Mareykanka si uu u dhameystiro tijaabada caafimaadka iyadoo u dhaqaaqitaankiisa Stamford Bridge uu ku sii dhowaanayo.
U wareegitaanka Fofana ee Blues ayaa qaadatay waqti in la wadahadlo, iyadoo Leicester ay diiday dalabyo badan toddobaadyadii la soo dhaafay.
Ronaldo Oo Loo Soo Bandhigay Koox Kale.
Kooxda chelsea ayaa heshay fursad cusub oo kale oo ay kula saxiixan karto xiddiga Man United ee Cristiano Ronaldo kadib markii uu Wakiilka xiddigu Blues mar kale u soo bandhigay saxiixa xiddiga 37 jirka ah.
Ronaldo ayaa aad u doonaya in uu isaga tago kooxda Man United suuqa kala iibsiga xagaagan si uu ugu biiro koox ka ciyaarta tartanka champions League.
Si kasta ha ahaatee Ronaldo ayaa ilaa haatan ku dhibaatoonaya in uu koox helo iyada oo ay kooxo badan iska diideen saxiixa xiddiga.
Aubameyan oo lagu Garaacay Gurigiisa.
Afar nin oo budhcad hubaysan ah ayaa u dhacay guriga Pierre-Emerick Aubameyang ee ku yaalla magaalada Barcelona oo uu laacibkani ku sugnaa iyaga oo ku dhex garaacay guriga isla markaana ka dhacay wixii hanti ahaa ee u taallay gudaha guriga.
Pierre-Emerick Aubameyang oo aanu deggenayn mustaqbalkiisa Barcelona oo lala xidhiidhinayo inuu dib ugu noqonayo horyaalka Premier League ayaa waxa gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Castelldefels ee magaalada Barcelona usoo dhacay afar nin oo hubaysan oo kasoo booday beerta dhabarka guriga ku yaalla.
33 jirkan ayaa la sheegay in lala dhacay biro isla markaana hanjabaad xun lagula kacay, sida ay boolisku u sheegeen wargeyska El Pais ee kasoo baxa waddanka Spain.
Numberkee Antony U Xidhan Doonaa Man United?
Xiddiga reer Brazil ayaa ku qasbanaan doona in uu qaato Lambar cusub xilli ciyaareedkan marka la eego in lambarka No.11 oo uu u qaadan jiray Ajax uu haatan United u qaato xiddiga Mason Greenwood.
Man United ayaa lambar cusub siin doonta xiddiga reer Brazil xilli ciyaareedkan xilli la filayo in saxiixiisa lagu dhawaaqo saacadaha soo socda.
Antony ayaa dooran doona lambarka uu u xidhan doono Man United xilli ciyaareedkan isaga oo lambaro badan ka dooran doona lambarkiisa xilli ciyaareedkan.
Lambarada No.13, No.15, No. 21, No. 24, iyo No. 27 ayaa ah dookhyada la hor dhigi doono Antony si uu u doorto lambarkiisa xilli ciyaareedka cusub.