Falanqeynta, Saadaasha Iyo Daawashada Kulanka Kooxaha Manchester United Iyo Liverpool.

Waxaanu dhigmadan kooban ku falaqeyn doonaa kulanka ay Manchester United iyo Liverpool iskaga hor imaan doonan gigada Old Trafford habeynimada Isniintaa, kulanka ayaa kusoo beegmaya toddobaadka saddexaad ee Premier League-ga xilicaayreedkan 2022-2023.

Manchester United ayaa iminka ku jirta xaalad xun. Wiilasha uu horkacyo Ten Hag iska daa in ay guulaystaane waxa ay heleen kaliya hal dhibic labadii kulan ee ugu horeeyay horyaalka Premier League. Laakiin, United ayaa u aragta kulankan fursad qaali ah oo ay taraha guulaha dib ugu soo noqon karaan, ayagoo maanka ku haya kulankii saxiibnimo ee ay Thailand dusha kaga mareen 4-0 kooxda Liverpool.

Si kastaba ha ahaatee, Liverpool ayaan Old Trafford u imaanin ineey ku neecowsato. Wiilasha Juergen Klopp ayaa laftoodu ku jirin jawi wanaagsan ayagoo hiigsanaya seddexdii dhibcood ee ugu horeysa xilli ciyaareedkan ka dib labo barbaro oo ay ku bilowdeen. Reds ayaa ku rajjoweyn iney seddex dhibcood oo bilaa buuqa ka qaataan United ayagoo xasuusan jabkii ay xiilli ciyaareedkii hore ka gaysteen gigadan.

Saadaasha Kulanka

*Hoos Ka Daalaco Saadalaha ay Kulankaan Ka Sameeyeen Jariiradaha Ugu Caansan ee Saadaliya Kulamada Kubada Cagta, Sidoo Kale Saadaasheena Kama Marno Adna Taada Waad Dhiiban Kartaa.

Sadaalaha
WhoScored
Man United 0-3 Liverpool
Predictz
Man United 1-2 Liverpool
Forebet
Man United 1-1 Liverpool
Fiirso Hada
Man United 2-2 Liverpool
Saadashaada?
Nagula Wadaag Halkaan

Xoggo Xiiso-Leh

  • Man United mar walba waa laga adkaaday 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ay Liverpool kula Kulantay Premier League-ga.
  • Liverpool ayaan laga badinin 21 kulan oo Premier League ah.
  • Liverpool ayaa dhalisay ugu yaraan laba gool lix ka mid ah todobadii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda.
  • Liverpool ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool seddex kulan oo ay marti u ahaayeen United.
  • Saadaasheyda kulanka United vs Liverpool waxuu noqon doona mid goolal leysku harqiyo, sababtoo 24 gool ayaa leyska dhaliyey 5-tii kulan ee ugu dambeysay.

Macalimiinta

  • Erik ten Hag ayaa laba jeer ka horyimid Liverpool kulamo rasmi ah. Mar walba waa laga badiyey markaas uu horkacayay AF Ajax.
  • Kulamada Rasmigaa Ten Hag laba jeer ayuu ka horyimid Jurgen Klopp mar walbana waa laga badiyay.
  • Klopp ayaa 16 jeer la ciyaaray Man United tan iyo 2016kii.
  • Klopp Kaliya saddex ayaa laga badiyay, lix ayuu badiyay, todobana bar-baro ayuu la galay United.

Garsoor-ka

  • Kulankaan Manchester United vs Liverpool waxaa dhex dhexaadin doona Michael Oliver.
  • Oliver ayaa Manchester United dhex dhexaadiyay 38 jeer isagoo bixiyay 72 jaale ah iyo afar casaan ah.
  • Rikoorka Man United ee kulamadii uu garsoore ka ahaa Oliver: 14 guul, 11 barbaro, 13 guuldarro ah.
  • Oliver ayaa 52 jeer garsoore ka ahaa kulamada Liverpool, waxa uu bixiyey 81 jaale iyo hal kaar oo casaan ah.
  • Rikoorka Liverpool ee kulamadii uu garsoore ka ahaa Oliver: 26 guul, 16 barbaro, 10 guuldarro ah.
Shaxda Macqulkaa

Ku Xirnoow FiirsoHada

Iska Xir ⇩