Falanqeynta, Saadaasha Iyo Daawashada Kulanka Kooxaha Bayern Munich Iyo Barcelona.

Bayern Munich ayaa soo dhawaynaysa dhigeeda Barcelona kulan lagu sifayn karo midka ugu weyn ee dhammaan heerkan Group-yada ee Champions League oo dhan.

Barcelona ayaa u socota inay iska soo maydho ceebihii waaweynaa ee ay kooxda ree Germany kala soo kulmaysay sanadihii ugu dambeeyay.

Bayern ayaa laba guuldarro oo min 3-0 ah u xambaarisay Barcelona xilli ciyaareedkii hore oo ay sidan oo kale isku Group u ahaayeen halka ay hal lug 8-2 uga adkaadeen Champions League 2020.

Saadaasha Kulanka

Hoos Ka Daalaco Saadalaha ay Kulankaan Ka Sameeyeen Jariiradaha Ugu Caansan ee Saadaliya Kulamada Kubada Cagta, Sidoo Kale Saadaasheena Kama Marno Adna Taada Waad Dhiiban Kartaa.

Sadaalaha
Sportpesa
Bayern 3-1 Barcelona
Sports Mole
Bayern 1-1 Barcelona
WhoScored
Bayern 2-3 Barcelona
Fiirso Hada
Bayern 2-2 Barcelona
Saadashaada?
Nagula Wadaag Halkaan

Xoggaha Labada Koox

Nagelsmann ayay kooxdiisa Bayern ka maqnaan doonaan Kingsley Coman iyo Bouna Sarr balse inuu nasiyay xiddigo muhiim ah kulankii Stuttgart ayaa ka dhigan inuu shax xoogan ula diyaar yahay Blaugrana.

Benjamin Pavard iyo Lucas Hernandez ayaa la filayaa inay daafaca Bayern kusoo bilawdaan iyagoo boosaska kala baxaya Dayot Upamecano iyo Noussair Mazrazoui.

Leon Goretzka oo Sabtidii ciyaaray ayaa loo badinayaa inuu keydka fadhiisan doono isagoo lagu bedelayo Sabitzer halka Serge Gnabry soo gali doono booska Coman ka maqan yahay.

Xavi ayaa dhinaca Barcelona safkiisa kulankan dib uga wacay xiddiga boosaska badan qabta ee Sergi Roberto. Tababaraha ree Spain ayaa haysta saf dhammaystiran oo caafimaad qaba.

Kounde ayaa la filayaa inuu daafaca midig kusoo bilawdo markale iyadoo Alba khibrad kaga soo hormarayo booska daafaca bidix da’yarka Balde.

Raphinha iyo Dembele ayaa lagu wadaa inay weerarka ku caawiyaan Robert Lewandowski halka Gavi iyo Pedri ka horreyn doonaan Sergio Busquets.

Macalimiinta

  • Kulanka Bayern vs Barcelona markan waa kulankii labaad ee Julian Nagelsmann iyo Xavi Hernandez.
  • Nagelsmann ayaa ku guuleystay inuu garaaco Xavi kulankii ugu horeeyay oo ay kulmeen.
  • Rikoorka Nagelsmann ee Barcelona: laba guul.
  • Rikoorka Xavi ee Bayern: hal guuldarro.

Garsoor-ka

  • Kulanka Bayern vs Barcelona waxaa dhexdhexaadin doona doona garsooraha qabiirka ah ee u dhashay Netherlands, Danny Makkelie.
  • Afar ciyaarood oo uu garsooray xilli ciyaareedkan 2022-23, Makkelie waxa uu bixiye 28 kaar oo huruud ah iyo labo kaar oo casaan ah..
  • Rikoorka Bayern ee kulamadii uu garsoore ka ahaa Makkelie: seddex guul.
  • Rikoorka Barcelona ee kulamadii uu garsoore ka ahaa Makkelie: laba guul.
Shaxda Macqulkaa

Ku Xirnoow FiirsoHada