Falanqeynta, Saadaasha Iyo Daawashada Kulanka Kooxaha Celtic Iyo Real Madrid.

Real Madrid ayaa bilaabanaysa tartanka UEFA Champions League caawa kulan ay booqanayso kooxda Celtic iyaga oo isku dayi doona inay qaab wanaagsan ku bilawdaan bilaabashada horyaalka.

Kulanka caanka ah ee Old Firm Derby ayay Sabtidii la ciyaareen kooxda ay is-hayaan ee Rangers oo ay 4-0 ku xasuuqeen, tababare Ange Postecoglou ayaa rajaynaya in niyada ay kulankaas ka qaadeen ay Madrid ku qaabili doonaan.

Saadaasha Kulanka

*Hoos Ka Daalaco Saadalaha ay Kulankaan Ka Sameeyeen Jariiradaha Ugu Caansan ee Saadaliya Kulamada Kubada Cagta, Sidoo Kale Saadaasheena Kama Marno Adna Taada Waad Dhiiban Kartaa.

Sadaalaha
WhoScored
Celtic 1-3 Real Madrid
Predictz
Celtic 0-2 Real Madrid
ScorePredictor
Celtic 0-1 Real Madrid
Fiirso Hada
Celtic 1-2 Real Madrid
Saadashaada?
Nagula Wadaag Halkaan

Xoggaha Labada Koox

Ange Postecoglou ayaan doonayn inuu bedelo shaxdiisa caanka ah ee 4-3-3 kahor kulankan balse waxa dhaawac kaga maqnaan doona xulashadiisa Kyogo Furuhashi iyo Carl Starfelt oo labaduba wax ku noqday kulankii Rangers.

Carlo Ancelotti ayaa haytsa isagu saf ku dhawaad gabi ahaanba caafimaad qaba, Jesus Vallejo iyo Alvaro Odriozola ayaa ah xiddigaha kaliya ee dhaawaca kaga maqan.

Ancelotti ayaa isbedelo ku samayn kara shaxdii uu Real Betis kaga adkaaday Sabtidii isagoo kusoo bilaabaya Toni Kroos iyo Federico Valverde isla markaana keydka dhigaya Eduardo Camavinga iyo Rodrygo Goes.

Sidoo kale saxeexa cusub ee Antonio Rudiger ayaa kusoo bilaaban kara daafaca dhexe isagoo kala baxaya midkood David Alaba iyo Eder Militao.

Shaxda Macqulkaa

Ku Xirnoow FiirsoHada