Falanqeynta, Saadaasha Iyo Daawashada Kulanka Kooxaha Manchester City Iyo Borussia Dortmund.

Manchester City ayaa kulankeeda labaad ee Champions League xilli ciyaareedkan caawa soo dhawaynaysa dhigeeda ree Germany ee Borussia Dortmund.

Erling Haaland ayuu caawa Pep Guardiola u adeegsanayaa inuu kahor tago kooxdiisii hore ee uu xagaagii kala soo wareegay. Dortmund ayaa xilli ciyaareedkan difaac ahaan aad u fiicnayd marka laga reebo kulankii ay RB Leipzig 3-0 ku xasuuqday Sabtidii.

Saadaasha Kulanka

Hoos Ka Daalaco Saadalaha ay Kulankaan Ka Sameeyeen Jariiradaha Ugu Caansan ee Saadaliya Kulamada Kubada Cagta, Sidoo Kale Saadaasheena Kama Marno Adna Taada Waad Dhiiban Kartaa.

Sadaalaha
Sportskeeda
Man City 3-1 Dortmund
Sports Mole
Man City 3-1 Dortmund
WhoScored
Man City 3-1 Dortmund
Fiirso Hada
Man City 4-1 Dortmund
Saadashaada?
Nagula Wadaag Halkaan

Xoggaha Labada Koox

Man City ayaa toddoba kulan oo ay xilli ciyaareedkan ka ciyaartay guuldarro la’aan ah, Guardiola ayaa haysta rekoodh ah inuu guuleysto markasta labada kulan ee ugu horreeya heerka Group-yada taas oo ka caawisa inuu si sahlan heerka xiga ugu gudbo.

City ayuu ka maqnaan doonaa daafaca midig ee Kyle Walker oo dhaawac kaga baxay kulankii ay barbardhaca 1-1 ah lasoo galeen Aston Villa.

Sidoo kale labada daafac dhexe ee John Stones iyo Aymeric Laporte ayaa qaatay tababaradii ugu dambeeyay balse kulankan ayaa deg-deg ku noqon kara.

Daafaca bidix ayaa la filayaa inuu saxeexa cusub ee Gomez kusoo bilawdo iyadoo Joao Cancelo midka midig u wareegayo xilli lagu wado in Bernardo Silva khadka dhexe kaga soo hormari doono Gundogan.

Dhinaca Dortmund tababare Edin Terzic ayaa ka werwesan taam ahaanshaha Thorgan Hazard, haddii uu soo gaadhi waayo kulankan ayuu Giovanni Reyna kusoo bilaaban doonaa bedelkiisa.

BVB ayay ka maqan yihiin xiddigaha kala ah Sebastian Haller, Mahmoud Dahoud, Mateu Morey, Gregor Kobel iyo Jamie Bynoe-Gittens.

Macalimiinta

  • Labada tababare ee Pep Guardiola iyo Edin Terzic ayaa laba jeer oo hore kulmay.
  • Guardiola ayaa badiyay labadaas kulan.
  • Labadaas kulan ayaa sidoo kale ah wadarta guud ee uu Terzic wajahay City.
  • Rikoorka Guardiola ee Dortmund: 13 kulan, 8 guul, 1 barbaro iyo 4 guuldarro ah.

Garsoor-ka

  • Kulankaan waxaa hogaaminaya garsooraha reer Talyaani ee Daniele Orsato.
  • Kani waa kulankii ugu horeeyay ee Orsato ee Champions League xilli ciyaareedkan.
  • Xilli ciyaareedkii hore, Orsato ayaa hogaaminaya 6 kulan oo Champions League ah isaga oo bixiyey 36 jaale ah iyo 1 casaan ah.
  • Rikoorka City ee kulamadii uu garsoore ka ahaa Orsato: 5 kulan, 3 guul iyo 2 guuldarro ah.
  • Rikoorka Dortmund ee kulamadii uu garsoore ka ahaa Orsato: 2 kulan, 2 guuldarro.
Shaxda Macqulkaa

Ku Xirnoow FiirsoHada