Chelsea ayaa bilaabanaysa caawa loolankeeda UEFA Champions League ee xilli ciyaareedkan 2022-23 iyaga oo kooxda Dinamo Zagreb ku booqanaya garoonkeeda Stadion Maksimir.
Kulankan ayaa ah midkii ugu horreeyay ee abid Dinamo iyo Blues dhex maraya, Zagreb waa guuldarro la’aan horyaalka Croatia ilaa haatan halka Chelsea ay qaab isku dhafan kusoo bilaabatay.
Saadaasha Kulanka
*Hoos Ka Daalaco Saadalaha ay Kulankaan Ka Sameeyeen Jariiradaha Ugu Caansan ee Saadaliya Kulamada Kubada Cagta, Sidoo Kale Saadaasheena Kama Marno Adna Taada Waad Dhiiban Kartaa.
Sadaalaha |
---|
Sportpesa
Dinamo 0-2 Chelsea
Sports Mole
Dinamo 1-3 Chelsea
WhoScored
Dinamo 0-1 Chelsea
Fiirso Hada
Dinamo 1-4 Chelsea
Saadashaada?
Nagula Wadaag Halkaan
Xoggaha Labada Koox
Tababare Ante Cacic ma qabo wax werwer dhaawac ah kahor kulankan ay qaabilayaan Chelsea, Cacic ayaa la filayaa inuu kusoo shirtago xiddigihiisa ugu fiican oo uu nasiyay kulankii ay guusha 3-1 ka ah ka gaadheen HNK Rijeka.
Si ka duwan dhigiisa Dinamo Zagreb, Thomas Tuchel ayaa isagu qaba hal dhaawac oo kooxdiisa ah waana khadka dhexe ee N’Golo Kante oo wali ku maqan dhaawac muruqa ah.
Saxeexyada cusub ee Denis Zakaria iyo Aubameyang ayaan wali la filayn inay kusoo bilawdaan kulankan taas oo ka dhigan in Kai Havertz hoggaamin doono weerarka Chelsea.
Ben Chilwell oo guushii soo laabashada ahayd ee West Ham ka caawiyay Blues Sabtidii ayaa booska kala bixi doona Marc Cucurella, sidoo kale Mason Mount ayaa shaxda asaasiga ah kusoo laabanaya iyadoo Wesley Fofana markii labaad kusoo bilaabanayo toddobaad gudihii.
Shaxda Macqulkaa |
---|