Falanqeynta, Saadaasha Iyo Daawashada Kulanka Kooxaha Paris Saint-Germain Iyo Juventus.

Paris Saint-Germain iyo Juventus ayaa caawa wadajir u bilaabanaya xilli ciyaareedkooda UEFA Champions League kulan ka qabsoomaya magaalada Paris iyo gegida Parc des Princes.

PSG ayaa sidii caadiga ahayd markale bilaabanaysa tartankan oo mudo soo ahaa hammigeeda ugu weyn, xilli ciyaareedkii hore ayay ku hor kufeen Real Madrid balse markale ayay fursad helayaan ciyaartoy ay ugu horreeyaan Neymar, Messi iyo Mbappe.

Saadaasha Kulanka

*Hoos Ka Daalaco Saadalaha ay Kulankaan Ka Sameeyeen Jariiradaha Ugu Caansan ee Saadaliya Kulamada Kubada Cagta, Sidoo Kale Saadaasheena Kama Marno Adna Taada Waad Dhiiban Kartaa.

Sadaalaha
WhoScored
PSG 3-0 Juventus
Predictz
PSG 2-1 Juventus
SportsMole
PSG 2-0 Juventus
Fiirso Hada
PSG 2-2 Juventus
Saadashaada?
Nagula Wadaag Halkaan

Xoggaha Labada Koox

Tababare Christophe Galtier ayaa kulankii horyaalk ee toddobaadkan nasiyay Neymar iyo Nuno Mendes halka uu xilli hore bedel ku sameeyay Kylian Mbappe iyo Marco Verratti.

Dhaawaca Vitinha ayaa dhirbaaxo ku ah Galtier oo la filayo inuu kusoo bilaabo bedelkiisa Renato Sanches halka ay u badantahay inuu keydka soo fadhiisan doono Fabian Ruiz oo isaguna dhawaan Napoli kaga soo biiray.

Dhinaca Juventus xiddigii ugu dambeeyay ee ka dhaawacma ayaa noqonaya goolhaye Szczesny oo kula biiraya liiska xiddigaha maqnaa Paul Pogba iyo Federico Chiesa.

Sidoo kale waxa dhaawac ku maqnaanaya Angel Di Maria oo xagaagan uun ka tagay Paris isla markaana heshiis bilaash ah ugu biiray Juventus.

Adrien Rabiot iyo Leandro Paredes ayaa iyagu khadka dhexe kusoo wada bilaaban kara si ay kooxdoodii hore uga hortagaan halka Mattia Perrin uu booska goolhayaha markale kusoo bilaaban doono.

Manuel Locatteli ayaa khadka dhexe kula dagaalami doona saaxiibkiisa xulka Talyaaniga ee Marco Verratti halka Filip Kostic la filayo inuu weerarka Bianconeri markale kasoo muuqdo.

Shaxda Macqulkaa

Ku Xirnoow FiirsoHada