Dhamaan Kulamada Horyaalka Ingiriis-ka ee Premier League-ga Asbuucaan Ayaa La Hakiyey.

Xidhiidhka Premier League ayaa si Rasmi ah u xaqiijiyay in la kansalay kulamadii la ciyaari lahaa todobaadkan kadib dhimashadii boqorada England ee Queen Elizabeth II.

Waxa sabtida, Axada iyo Isniinta la filayay in la ciyaaro kulamada todobaadka 7-aad ee horyaalka premier League iyada oo ay ka mid ahayd kulanka adag ee Man City Vs Tottenham.

Laakiin kulamada ayaa la kansalay sabab la xidhiidha dhimashada boqorada Queen Elizabeth II.

Madaxa premier League Richard Masters ayaa sheegay in ay joojiyeen kulamadii todobaadkan la ciyaari lahaa horyaalka premier League.

Sidoo kale premier League ayaa sheegay in ay warbixin intaas dheer soo saari doonaan wakhtiga soo socda.

War-saxaafadeedka Premier League ayaa lagu yidhi: “Shir subaxnimadan qabsoomay, waxay kooxaha Premier League ku xuseen Boqorad Queen Elizabeth II. Si loo xushmeeyo nolosheedii qayru-caadiga ahayd, iyo waxyaabihii ay waddanka u qabatay isla markaana loogu sameeyo ixtiraam, kulamadii Premier League ee usbuuc-dhamaadkan oo ay ku jirto ciyaartii fiidka Isniinta, dib ayaa loo dhigay.

“Kulamada horyaalka Premier League ee waqtiga baroor-diiqdu socoto, dib ayaa laga soo gudbin doonaa wixii kasoo cusboonaada.”

Waxa kale oo la baajiyey kulamadii horyaalka heerka labaad ee Ingiriiska ee EFL ee dhici lahaa usbuucan iyadoo horena loo xaqiijiyey in ciyaarihii caawa ee Burnley iyo Norwich City ee Championship ay baaqdeen oo xalayba lagu war-geliyey naadiyadan in ay guryahooda joogaan oo aanay isku diyaarin kulankoodan.

Waxa kale oo la joojiyey kulamadii Woqooyiga Ireland sida uu shaaciyey xidhiidhka kubadda cagta ee Northern Ireland.

Kuwa Champions Leage Ayagana Mala Baajin Doon?

Maya, Kulmada tartanka Champions League ee kooxaha premier League ayaa la sheegayaa in ay dhici doonaan bartamaha todobaadka kadib markii la kansalay kulamadii todobaadkan ee premier League sabab la xidhiidha dhimashada boqorada England.

Iyada oo Dalka UK galay wakhti murugo ah waxa la joojiyay kulamadii horyaalka premier League ee la ciyaari lahaa todobaadkan.

Laakiin arintaas ayaan la macno ahayn in la joojin doono kulamada champions League ee ay ciyaari doonaan kooxaha premier League.

Hadii ay kooxaha premier Legaue ciyaari waayaan kulankooda waxa ay la macno tahay in kooxda ka soo hor jeeda la siin doono dhibcaha kulanka.

Sidaas darteed kulamada champions league ee premier League ayaa la filayaa in ay dhacaan isla markaas la ciyaaro bartamaha todobaadka.

Kooxaha Liverpool, Man City, chelsea iyo Tottenham ayaa dhamaantood u balansan in ay ciyaari doonaan kulamada tartanka champions league maalmaha Salaasada iyo Arbacada.


Ku Xirnoow FiirsoHada