Falanqeynta, Saadaasha Iyo Daawashada Kulanka Kooxaha Sevilla Iyo Manchester City.

Manchester City ayaa u safraysa Spain gaar ahaan gobolka Andalus iyaga oo halkaas ku bilaabanaya UEFA Champions League oo ay kulanka koowaad Sevilla madaxa isla galayaan.

Kaddib barbardhac ay Sabtidii lasoo gashay Aston Villa, Man City ayaa rajaynaysa inay wadada guulaha kusoo laabato kulankan Champions League. Sidoo kale Sevilla ayaa doonaysa kasoo kabashada guuldarro 3-0 ah oo Barcelona kasoo gaadhay Sabtidii.

Pep Guardiola oo mudo dheer kusoo fashilmayay isku daygiisa inuu markale Champions League qaado ayaa caawa tartanka la bilaabanaya isagoo adeegsanaya hubka weeraryahan Erling Haaland.

Saadaasha Kulanka

*Hoos Ka Daalaco Saadalaha ay Kulankaan Ka Sameeyeen Jariiradaha Ugu Caansan ee Saadaliya Kulamada Kubada Cagta, Sidoo Kale Saadaasheena Kama Marno Adna Taada Waad Dhiiban Kartaa.

Sadaalaha
WhoScored
Sevilla 0-3 Man City
Sportpesa
Sevilla 1-4 Man City
Sports Mole
Sevilla 0-2 Man City
Fiirso Hada
Sevilla 1-3 Man City
Saadashaada?
Nagula Wadaag Halkaan

Xoggaha Labada Koox

Sevilla ayaan kasoo kaban bixitaanka labadeedii daafac dhexe ee Jules Kounde iyo Diego Carlos, waxaa usii raacay dhaawacyada Karim Rekik iyo Marcao.

Saxeexa cusub ee Andan Januzaj ayaan wali kulankiisii koowaad u ciyaarin Sevilla oo uu xagaagii kusoo biiray, ma cada haddii uu tababare Julien Lopetegui soo ciyaarsiin doono kulankan.

Marka laga yimaado Aymeric Laporte oo horeba mudo u maqnaa ciyaartoyga kale ee kaliya ee ka maqnaan kara City ayaa ah Kyle Walker oo dhaawac uga baxay kulankii Aston Villa.

Haddii uu Walker maqnaado ayaa la filayaa inuu Nathan Ake daafaca bidix kusoo bilawdo iyadoo Cancelo usoo wareegayo daafaca midig.

Mahrez iyo Grealish ayaa la filayaa inay weerarka kula soo bilawdaan Haaland iyadoo Gundogan iyo De Bruyne ay khadka dhexe kala soo muuqanayaan Rodrigo Hernandez.

Shaxda Macqulkaa

Ku Xirnoow FiirsoHada