Saadaasha Kulanka
ⓘ Hoos Ka Daalaco Saadalaha ay Kulankaan Ka Sameeyeen Jariiradaha Ugu Caansan ee Saadaliya Kulamada Kubada Cagta, Sidoo Kale Saadaasheena Kama Marno Adna Taada Waad Dhiiban Kartaa.
Sadaalaha |
---|
Sportskeeda
Argentina 3-2 Mexico
Sports Mole
Argentina 2-1 Mexico
WhoScored
Argentina 2-0 Mexico
Fiirso Hada
Argentina 3-1 Mexico
Saadashaada?
Nagula Wadaag Halkaan
Xogta Kulanka
Argentina ayaa kaliya guul doonaysa kulanka ay dhigeeda Mexico caawa la ballansan tahay oo haddiiba ay wax guuldarro ah la kulanto ay sidaas kaga hadhayso koobka aduunka ee rajada weyn ay ka qabtay.
La Albiceleste ayaa kulankoodii koowaad guuldarro argagax iyo lama filaan ah ka helay Saudi Arabia halka Mexico ay kusoo furatay barbardhac ay lasoo gashay xulka Poland.
Tababare Lionel Scaloni hubaal isbedelo ayuu samayn doonaa, daafaca dhexe ayaa lagu wadaa inuu Lisandro Martinez kusoo bilawdo bedelka Christian Romero.
Gonzalo Montiel ayaa isaguna daafaca midig kusoo bilaaban kara balse waxay u badantahay in Tagliafico doorkiisa daafaca bidix ilaashado.
Alexis Mac Allister amaba Enzo Fernandez ayaa khadka dhexe kala soo muuqan kara Leandro Paredes iyo Rodrigo De Paul.
Mexico ayuu horkacayaa tababarihii hore ee Argentina iyo Barcelona ee Tata Martino kaas oo diyaar u ah inuu dalkiisa ka cidhib-tiro koobka aduunka, Tata ayaa lagu wadaa inuu kusoo bilaabo isla shaxdii uu Poland kaga hortagay.
Shaxda Macqulkaa |
---|