World Cup: Falanqeynta, Saadaasha Iyo Daawashada Kulanka Argentina vs Saudi Arabia.

Saadaasha Kulanka

Hoos Ka Daalaco Saadalaha ay Kulankaan Ka Sameeyeen Jariiradaha Ugu Caansan ee Saadaliya Kulamada Kubada Cagta, Sidoo Kale Saadaasheena Kama Marno Adna Taada Waad Dhiiban Kartaa.

Sadaalaha
Sportskeeda
Argentina 3-0 Saudi Arabia
Sports Mole
Argentina 3-0 Saudi Arabia
WhoScored
Argentina 3-0 Saudi Arabia
Fiirso Hada
Argentina 3-1 Saudi Arabia
Saadashaada?
Nagula Wadaag Halkaan

Xogta Kulanka

Xulka qaranka Argentina ayaa la ciyaari doona xulka Saudi Arabia kulan ka tirsan Group-ka C ee koobka adduunka kana dhici doona garoonka Lusail Staduim

Xulka Argentina ayaa kulanka soo galaya iyaga oo doonaya in ay guul ku bilowdaan tartanka koobka adduunka isla markaas garaacaan xulka Saudi Arabia.

Dhinaca kale xulka Saudi Arabia ayaa doonaya in ay ka yaabsadaan adduunka isla markaas garaacaan xulka ka socda Latin America.

Argentina ayaan wax guuldaro a la kulmin 4-tii kulan ee ay horay ula ciyaareen xulka Suadi Arabia, 2 bar-baro iyo iyo 2 guul ayay ka gaadhay iyada oo kulankan yahay midkii ugu horeeyay ee ay ku kulmaan koobkaa dduunka.

Argentina ayaa ciyaaraya koobka adduunka markii 18-aad iyada oo koobka adduunka sanadkan yahay midkii 13-aad oo xidhiidh ah oo ay ka qayb galayaan koobka adduunka waana xulka 3-aad ee ugu qayb galka badan koobka adduunka.

Xulka Argentina ayaa ka gudbay wareega Group-yada koobka adduunka 12 ka mid ah 13-kii ugu dambeeyay ee ay ka qayb qaateen tartanka marka laga reebo koobkii adduunka saandkii 2022.

Argentina ayaa laga badiyay 3 ka mid ah 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee koobka adduunka waana in ka badan intii ay guuldaro la kulmeen 24-kii kulan ee ugu dambeeyay.

Shaxda Macqulkaa

Ku Xirnoow FiirsoHada