World Cup: Falanqeynta, Saadaasha Iyo Daawashada Kulanka Belgium vs Canada.

Saadaasha Kulanka

Hoos Ka Daalaco Saadalaha ay Kulankaan Ka Sameeyeen Jariiradaha Ugu Caansan ee Saadaliya Kulamada Kubada Cagta, Sidoo Kale Saadaasheena Kama Marno Adna Taada Waad Dhiiban Kartaa.

Sadaalaha
Sportskeeda
Belgium 3-1 Canada
Sports Mole
Belgium 3-0 Canada
WhoScored
Belgium 4-1 Canada
Fiirso Hada
Belgium 3-1 Canada
Saadashaada?
Nagula Wadaag Halkaan

Xogta Kulanka

Xulka Belgium ayaa caawa bilaabanaya koobka aduunka sanadkan 2022 xilli uu midkii ugu dambeeyay ee 2018 booska saddexaad kaga soo dhammaystay isagoo waliba wado aad u adag wakhtigaas maray. Xiddigaha lagu naanayso jiilka dahabiga ah ee Red Devils ee mar usoo wada kacaamay ee ay ugu horreeyaan Eden Hazard, Kevin De Bruyne, Romelu Lukaku iyo Thibaut Courtois ayaa helaya fursad lagu sifayn karo midoodii ugu dambaysay ee ay koob aduun ku hanan karaan.

Thorgan Hazard iyo Romelu Lukaku ayaa labaduba dhaawacyo kaga maqnaanaya kulankan Belgium, Courtois ayaa doorka goolka kusoo bilaaban doona.

Vertonghen, Alderweireld iyo 19 sano jirka Zeno Debast ayaa daafaca dhexe ee Red Devils kusoo wada bilaaban kara iyadoo ay garbaha daafac weerar dheeli karaan Carrasco iyo Thomas Meunier.

Tielemans iyo Axel Witsel ayaa lamaanaha khadka dhexe noqon kara iyadoo uu ka horreyn doono Kevin De Bruyne halka ay Eden Hazard iyo Batshuayi weerarka dheeli doonaan.

Canada ayaa ka werwersan taam ahaanshaha kulankan ee daafaceeda bidix ee Alphonso Davies oo haddii uu diyaar yahay garabka midig ee weerarka uga dheelaya xulkiisa.

Shaxda Macqulkaa

Ku Xirnoow FiirsoHada