World Cup: Falanqeynta, Saadaasha Iyo Daawashada Kulanka Brasil vs Serbia.

Saadaasha Kulanka

Hoos Ka Daalaco Saadalaha ay Kulankaan Ka Sameeyeen Jariiradaha Ugu Caansan ee Saadaliya Kulamada Kubada Cagta, Sidoo Kale Saadaasheena Kama Marno Adna Taada Waad Dhiiban Kartaa.

Sadaalaha
Sportskeeda
Brasil 2-0 Serbia
Sports Mole
Brasil 2-0 Serbia
WhoScored
Brasil 3-0 Serbia
Fiirso Hada
Brasil 4-0 Serbia
Saadashaada?
Nagula Wadaag Halkaan

Xogta Kulanka

Brazil ayaa kulan u muuqda mid sahal u noqon kara waxa ay la ciyaarayaan Serbia inkastoo wax waliba tartankaan laga filan karo.

Brazil waa ay badisay labadii kulan hore ee ay la yeesheen Serbia , mid waxa uu ahaa wareegga Group-yada koobka aduunka ee 2018-dii xilligaas oo ay laba gool ku badiyeen , kan kale waxa uu aha saaxibtinimo 2014-tii.

Brazil ayaa tartankaan ka qeyb galeysa markii 22-aad.

Brazil waa bilaa guul darro 15-kii kulan ee ugu dambeeyay ee wareegga group-yada koobka aduunka , waxa ay badiyeen 12 jeer halka sedex jeer ay galeen bar bar dhac , markii ugu dambeeysay ee waregega Group-yada lagu garacay waxa ay aheyd 1998 xiligaas oo ay ku hor kufeen Norway.

Marka lagu daro 2022, Serbia waxay hadda u soo baxday afar ka mid ah shantii koob ee ugu dambeysay ee FIFA World Cup.

Shaxda Macqulkaa

Ku Xirnoow FiirsoHada