Xogta Kulanka
Xulka Denmark ayaa la ciayari doona xulka Astralia kulan ka tirsan Group-ka D kaas oo la filayo in uu noqdo kulan xiiso iyo xamaasad leh.
Xulka Denmarka ayaa doonaya in uu guul gaadho hadii uu doonayo in uu u gudbo wareega xiga ee taranka koobka adduunak.
Dhinaca kale xulka Astralia ayaa doonaysa in ay dhinaceeda iska xaadiriso wareega xiga ee koobka adduunka.
Kulankan ayaa ah midkii 2-aad ee ay Kulmaan xulalka Astralia iyo Denmark koobka adduunka kadib markii ay 1/1 ku kala bexeen kulankii wareega Group-yada ee koobka adduunka 2018.
Astralia ayaa badisay kaliya hal kulan oo ka mid ah 4 kulan oo ay la ciyaartay Denmark tartamada oo dhan kaas oo ahaa saaxiibtinimo dhacay 2010.
Xulka Astralia ayaa laga badiyay 8 ka mid ah 11-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaareen xulalka yurub ka socda iyaga oo waliba ku fashilmay in ay shabaqooda ilaashadaan 11-ka xulan.
Denmark ayaan guul gaadhin 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee koobka adduunka tan ilaa markii ay ka badiyeen xulka Peru kulankii furitaanka ee koobka adduunka 2018.