Saadaasha Kulanka
ⓘ Hoos Ka Daalaco Saadalaha ay Kulankaan Ka Sameeyeen Jariiradaha Ugu Caansan ee Saadaliya Kulamada Kubada Cagta, Sidoo Kale Saadaasheena Kama Marno Adna Taada Waad Dhiiban Kartaa.
Sadaalaha |
---|
Sportskeeda
Denmark 2-0 Tunisia
Sports Mole
Denmark 2-1 Tunisia
WhoScored
Denmark 2-0 Tunisia
Fiirso Hada
Denmark 2-2 Tunisiaa
Saadashaada?
Nagula Wadaag Halkaan
Xogta Kulanka
Xulalka Denmark iyo Tunisia ayaa isaga hor iman doona garoonka Education City Staduim kulan ka tirsan Group-ka D.
Kulanka ayaa ah mid isku dheeli-tiran isla markaas labada xulba fursad u haystaan in ay guul ka gaadhaan kulanka.
Xulka Denmark ayaa doonaya in uu gaadho guul muhiim ah oo ka caawisa in ay rajo ka helaan wareega xiga ee tartanka.
Sidoo kale xulka Tunisia ayaa doonaya in ay garaacaan saaxiibada Chritian Eriksen si ay u gaadhaan guul muhiim ah.
Kulankan ayaa noqon doona midkii ugu horeeyay ee dhexmaray xulalka Denmark iyo Tunisia tartanka koobka adduunka, kulankii hore ay ku kulmeen ayaa ahaa mid saaxiibtinimo ah oo dhacay 20 sano ka hor waxana 2/1 ku badiyay xulka Denmark.
Denmark ayaan wax guuldaro ah kala kulmin xulalka reer Africa koobka adduunka xilli ayna Tunisia waligeed guul ka gaadhin xulalka reer Yurub tartanka koobka adduunka.
Xulka Denmark ayaa markii 6-aad ka qayb galaya koobka adduunka xilli ay tahay markii 2-aad oo ay 2 jeer oo xidhiidh ah uga qayb galaan tartanka koobka adduunka.
Xulka Denmark ayaa ka gudbay wareega Group-yada koobka adduunka 4 ka mid ah 5-tii jeer ee hore ee ay ciyaareen koobka adduunka laakiin ma dhaafin wixii ka dambeeya 8 dhamaadka.
Shaxda Macqulkaa |
---|