World Cup: Falanqeynta, Saadaasha Iyo Daawashada Kulanka Ecuador vs Senegal.

Xogta Kulanka

Xulalka Ecuador iyo Senegal ayaa ku kulmi doona garoonka Khalifa International Stadium kulankoodii ugu dambeeyay ee wareega Group-yada koobka adduunka.

Xulka Ecuador ayaa kulanka soo galaya iyaga oo haysta 4 dhibcood kadib markii ay kulan badiyeen mid kalena bar-baro galeen labadii kulan ee ay ciyaareen koobka adduunka.

Dhinaca kale xulka Senegal ayaa kulanka soo galaya iyaga oo haysta 3 dhibcood kadib markii ay badiyeen kulan mid kalena laga badiyay.

Xulka Ecuador ayaa u baahan in uu guuldaro iska ilaaliyo si uu ugu gudbo wareega xiga ee tartanka halka xulka Senegal u baahanyahu in uu badiyo hadii uu doonayo in uu gudbo.

Senegal ayaa badisay labadii kulan ee ay horay ula ciyaartay Ecuador tartamada oo dhan iyaga oo laba kulan oo saaxiibtinimo ku garaacday xulka Ecuador.

Kulankan ayaa noqon doona midkii ugu horeeyay ee uu xulka Ecuador ka hor tago xul African ah koobka adduunka xilli uuna xulka Senegal wax guul ah ka gaadhin labadii kulan ee ay la ciyaareen kooxaha reer South America.

Hadii ay guuldaro ka badbaadaan xulka Ecuador ayaa u gudbi dooona wareega Bug baxa koobka adduunka markii 2-aad ee taariikhdooda kadib markii ay sidaas sameeyeen sanadkii 2006 halka ay sidoo kale noqon doonto markii ugu horaysay ee ay wareega Group-yada ku dhamaysteen bilaa guuldaro.

Xulka Senegal ayaa 3/1 ku garaacay xulka Qatar kulankoodii 2-aad waxana ay raadinayaan guushoodii 2-aad oo xidhiidh ah markii ugu horaysay taariikhda tartankatan.


Ku Xirnoow FiirsoHada