Xulka England ayaa maanta bilaaban doona tartanka Koobka aduunka isagoo kulankiisa furitaanka kahor tagaya xulka Iran.
England oo koobkii aduunka oo hore wareega afar dhammaadka gaadhay isla markaana kama dambaysta iska xaadirisay ciyaartii Euro 2020 ayaa markana rajo fiican qabta.
Shax lasoo dusiyay oo xulka England ah ayaa jirta kulanka kahor iyadoo laga helay wargeyska The Sun, shaxdan ayaa muujinaysa in tababare Gareth Southgate uusan shan daafac markan ku ciyaari doonin.
Stones iyo Maguire ayaa la filayaa inay daafaca dhexe kusoo wada bilawdaan iyadoo Trippier iyo Luke Shaw labada daafac garab dheelayaan.
Declan Rice ayaa ah burburiyaha xulashada halka Jude Bellingham doorka No.8 dheeli doono iyadoo Mason Mount oo ka horreeyaa No.10 yahay.
Bukayo Saka ayaa kasoo hormaraya Phil Foden halka Raheem Sterling gacanta sarre ka helayo Rashford iyo Grealish iyagoo weerarka ka caawin doona kabtan Harry Kane.
Dhinaca Iran tababare Carlos Queiroz ayuu ku maqnaan doonaa khadka dhexe ee muhiimka ah ee Omid Ebrahimi halka aan la filayn inuu halis galin doono Sardar Azmoun oo haatan dhaawac kubka ah tababarka kaga soo laabtay.
Saadaasha Kulanka
ⓘ Hoos Ka Daalaco Saadalaha ay Kulankaan Ka Sameeyeen Jariiradaha Ugu Caansan ee Saadaliya Kulamada Kubada Cagta, Sidoo Kale Saadaasheena Kama Marno Adna Taada Waad Dhiiban Kartaa.
Sadaalaha |
---|
Sportskeeda
England 2-0 Iran
Sports Mole
England 2-1 Iran
WhoScored
England 2-0 Iran
Fiirso Hada
England 1-1 Iran
Saadashaada?
Nagula Wadaag Halkaan
Xoggo Xiiso Leh
- Saadaasha England vs Iran waxay noqon doontaa mid xiiso leh. Sababtoo ah England waligood kama hor imaan Iran tartan caalami ah waxayna ku kulmi doonaan markii ugu horeysay Koobka Adduunka 2022.
- Iran ayaan wax guul ah gaarin sideed kulan oo ay la ciyaartay xulalka Yurub ee koobka adduunka.
- Iran ayaa liqday lix guuldarro 8 kulan oo ay la ciyaartay kooxaha Yurub.
- England ayaa gaartay semi-finalka Koobka Adduunka 2018, ma jirto koox kale oo Yurub ah oo sidaas gaartay.
Macalimiinta
- Gareth Southgate waligiis kama hor imaan Iran.
- Kulanka ayaa noqon doona kulankii ugu horeeyay ee Southgate uu la kulmo Carlos Queiroz.
- Queiroz waligiis kama hor imaan England.
Garsoor-ka
- England vs Iran ayaa waxaa hogaamin doona Raphael Claus oo u dhashay Brazil.
- Claus waligiis ma dhexdhexaadin kulan England ah.
- Claus waligiis ma garsoorin kulan Iran ah.
Shaxda Macqulkaa |
---|