World Cup: Falanqeynta, Saadaasha Iyo Daawashada Kulanka France vs Denmark.

Saadaasha Kulanka

Hoos Ka Daalaco Saadalaha ay Kulankaan Ka Sameeyeen Jariiradaha Ugu Caansan ee Saadaliya Kulamada Kubada Cagta, Sidoo Kale Saadaasheena Kama Marno Adna Taada Waad Dhiiban Kartaa.

Sadaalaha
Sportskeeda
France 2-1 Denmark
Sports Mole
France 1-0 Denmark
WhoScored
France 2-0 Denmark
Fiirso Hada
France 3-1 Denmark
Saadashaada?
Nagula Wadaag Halkaan

Xogta Kulanka

Xulka difaacanaya koobka aduunka ee France ayaa isla caawaba usoo bixi kara wareega 16-ka ee koobka aduunka kulanka uu la ballansan yahay dhigiisa Denmark.

Les Bleus ayaa wareegii hore guul 4-1 ah kasoo gaadhay Australia halka Denmark ay barbardhac goolal la’aan ah la dhaafi waayeen Tunisia. Kulan adag ayaa dhex maraya France iyo Denmark xilli France dagaal ugu jiraan in ay koobkaan ilaalsadaan kaasi oo ay qaadeen 2018-dii.

Kulankaan ayaa noqonaya midkii 4-aad ee France iyo Denmark ku dhex xmara koobka aduunka , dhamaantood waxa ay ahaayeen wareegga Group-yada.

Denmark ayaa badisay labadi kulan ee ugu dambeeyay France la yeesheen dhamaan tartamada ,labadaba waxa ay ahaayeen 2022 UEFA Nation League , waligood sedex kulan is xiga kama badin France.

Daafaca bidix ee Lucas Hernandez ayaa dhaawac jilibka ah oo bilawgii kulankii Australia ku gaadhay ku seegaya inta koobka ka hadhay, walaalkii Theo ayaa bedelaya.

Kingsley Coman ayuu sidoo kale shaki ku jiraa taam ahaanshihiisa kaddib xanuun feedh ah oo tababarka ku qabtay, Raphael Varane ayaa lagu wadaa inuu shaxda kusoo laabto isagoo booska daafaca dhexe kala baxaya Ibrahima Konate.

Si lamid ah France, Denmark ayaa dhaawac jilibka ah ku waayaysa khadkeeda dhexe ee Delaney, Mikkel Damsgaard ayaa la filayaa inuu shaxda bedelka Delaney soo galo.

Shaxda Macqulkaa

Ku Xirnoow FiirsoHada