World Cup: Falanqeynta, Saadaasha Iyo Daawashada Kulanka Germany vs Japan.

Saadaasha Kulanka

Hoos Ka Daalaco Saadalaha ay Kulankaan Ka Sameeyeen Jariiradaha Ugu Caansan ee Saadaliya Kulamada Kubada Cagta, Sidoo Kale Saadaasheena Kama Marno Adna Taada Waad Dhiiban Kartaa.

Sadaalaha
Sportskeeda
Germany 2-0 Japan
Sports Mole
Germany 2-0 Japan
WhoScored
Germany 2-1 Japan
Fiirso Hada
Germany 3-1 Japan
Saadashaada?
Nagula Wadaag Halkaan

Xogta Kulanka

Xulka Germany ayaa maanta bilaabanaya tartanka koobka aduunka isagoo ku furayana dhigiisa Japan, guuleystaha koobkii aduunka ee 2014 oo aan sanadkan xulalka aadka loo hadal hayo kamid ahayn ayaa isha ku haya inuu qaab wanaagsan ku bilawdo.

Die Mannschaft ayaan haatan in mudo ah wax weyn ka samayn tartamada waaweyn waxayna rajaynayaan inuu midaas soo af-jari doono tababare Hansi Flick.

Germany ayuu warka weyn ee shalay usoo dhacay yahay inuu kulankan xanuun jilibka ah kaga maqnaan doono garabka weerar ee Leroy Sane.

Rudiger iyo Sule ayay u badantahay inay daafaca dhexe kusoo wada bilawdaan iyadoo Kehrer iyo Raum labada daafac garab dheelayaan.

Kimmich iyo Goretzka ayaa dheeli kara khadka dhexe kahor Gundogan xilli Hoffmann buuxin karo booska uu ka maqan yahay Sane isagoo kasoo hormaraya Kai Havertz.

Thomas Muller ayaa booska No.9 ka ciyaari kara xilli ay garabka bidix iyo No.10 ka caawinayaan asxaabtiisa Bayern ee Serge Gnabry iyo Jamal Musiala.

Dhinaca Japan daafaca Arsenal ee Takehiro Tomiyasu oo asal ahaan daafac midig ah ayaa daafaca dhexe kala ciyaari doona kabtan Maya Yoshida xilli garbaha daafaca ay dheelayaan Hiroki Sakai iyo Yuto Nagatomo.

Shaxda Macqulkaa

Ku Xirnoow FiirsoHada