World Cup: Falanqeynta, Saadaasha Iyo Daawashada Kulanka Japan vs Costa Rica.

Saadaasha Kulanka

Hoos Ka Daalaco Saadalaha ay Kulankaan Ka Sameeyeen Jariiradaha Ugu Caansan ee Saadaliya Kulamada Kubada Cagta, Sidoo Kale Saadaasheena Kama Marno Adna Taada Waad Dhiiban Kartaa.

Sadaalaha
Sportskeeda
Japan 3-0 Costa Rica
Sports Mole
Japan 4-0 Costa Rica
WhoScored
Japan 3-1 Costa Rica
Fiirso Hada
Japan 2-0 Costa Rica
Saadashaada?
Nagula Wadaag Halkaan

Xogta Kulanka

Xulka Japan ayaa la ciyaari doona xulka Costa Rica kulan ka tirsan Group-ka E ee koobka adduunka kulanka ka dhici doona garoonka Ahmed Bin Ali Stadium.

Xulka Japan ayaa kulanka soo galaya iyaga oo doonaya in ay xaqiiqsadaan booskooda wareega 16-ka ee koobka adduunka iyada oo ay guul kaliya ka xigto in ay sidaas sameeyaan.

Dhinaca kale xulka Costa Rica oo guuldaro weyn kala kulantay xulka Spain ayaa soo gali doona in ay gaadhaan guushoodii ugu horaysay ee koobka adduunka sanadkan.

Japan ayaan guuldaro kala kulmin xulka Costa Rica 4 kulan oo ay horay uga hor tageen tartamada oo dhan iyaga oo waliba dhaliyay 3 gool 3-dii kulan ee ugu dambeeyay.

Costa Rica ayaa badisay kaliya kulankoodii hore ee ay koobka adduunka ka hor yimaadeen xul ka dhisan qaarada Africa waxana ay 2/0 ku garaaceen xulka China tartankii 2002.

Kadib markii ay ka badiyeen Germany, xulka Japan ayaa raadinaya in ay markii ugu horaysay laba kulan oo xidhiidh ah badiyaan koobka adduunka tan ilaa 2002.

Costa Rica ayaa laga badiyay kulankoodii 1-aad ee koobka adduunka iyaga oo guuldaro 7/0 ah kala kulmay xulka Spain waan natiijadii ugu weynayd ee ay la kulmaan koobka adduunka.


Ku Xirnoow FiirsoHada