Xogta Kulanka
Xulka Netherlands ayaa la ciyaari doona xulka Qatar kulankoodii ugu dambeeyay ee wareega Group-yada koobka adduunka kulan ka dhici doona garoonka Al Bayt Stadium.
Xulka Netherlands ayaa kulanka soo galaya iyaga oo isha ku haya in ay kaalinta 1-aad kaga dhamaystaan Group-ka si ay uga fogaadaan xulal adag wareega xiga ee tartanka.
Dhinaca kale xulka Qatar oo dhigay rikoodho xun oo taariikhda u galay ayaa doonaya in ay guul ku macasalaameeyaan koobka adduunka isla markaas ceebta ku tir-tiraan guul.
Xulka Netherlands ayaa badiyay dhamaan kulamadii ay koobka adduunka ka hor tageen xulalka ka socda Aasiya iyaga oo ka dhaliyay 11 gool isla markaas kala kulmay hal gool xilli ay markii ugu horaysay wajahayaan Qatar.
Kulankan ayaa ah midkii 4-aad ee uu xulka Netherlands la ciyaaray koobka adduunka xul marti galinaya tartanka koobka adduunka waxa ay guuldaro kala kulmeen xulalka Germany iyo Argentina halka ay garaaceen Brazil.
Kaliya hal mar ayaa Netherlands laga badiyay kulankooda ugu dambeeya ee wareega Group-yada koobka adduunka kaas oo dhacay 1978 iyaga oo guuldaro kala kulmay xulka Scotland.
Qatar ayaa laga badiyay labadii kulan ee ay ilaa haatan ciyaartay koobka adduunka, laakiin waxa ay noqon karaan xulkii ugu horeeyay ee marti galiyay tartanka koobka adduunka ee laga badiyay 3-dii kulan ee ay ciyaareenba.