Xogta Kulanka
Argentina ayaa doonaysa in ay Poland kaga guuleysato hogaanka Group C oo ay u soo baxdo wareega 16 ka ee koobka aduunka 2022 marka ay ku wada dagaalamaan garoonka 974
Xulka labada jeer ku guuleystay koobka adduunka ayaa haatan min seddex dhibcood la leh Saudi Arabia, iyagoo hal dhibic oo kaliya ka hooseeya Poland kulanka ugu dambeeya ee Group-kooda.
Tababaraha Poland Michniewicz ayaa la filayaa inuu magacaabo line-upka aan waxba iska bedelin kulanka Argentina, iyadoo Arkadiusz Milik uu sii wadi doono iskaashiga uu la leeyahay Lewandowski.
Goolhaye Wojciech Szczesny – oo qaybtii hore ee ciyaarta badbaadiyay rigoore kulankii Saudi Arabia – ayaa lagu wadaa in ay difaacaan afarta daafac ee Matty Cash , Kamil Glik , Jakub Kiwior iyo Bartosz Bereszynski , kuwaas oo dhamaantood ku soo bilowday labadii kulan ee ugu horeeyay Poland ee Group C.
Grzegorz Krychowiak , oo afar kulan oo kaliya u jira inuu safto kulankiisii 100-aad ee caalamiga ah, ayaa waxaa khadka dhexe kula biiri kara ciyaaryahanka Birmingham City Krystian Bielik , halka Zielinski iyo Przemyslaw Frankowski ay qarka u saaran yihiin inay ka qalaan garbaha.
Dhanka Argentina, Scaloni ayaa laga yaabaa inuu mar kale ku soo bilowdo shaxdiisa, iyadoo la filayo in isbedello lagu sameeyo difaaca iyo khadka dhexe.
Lisandro Martinez ayaa laga yaabaa inuu booskiisa daafaca dhexe ka garab ciyaaro Nicolas Otamendi , laakiin boosaska daafaca ayaa diyaar u ah, iyadoo Gonzalo Montiel , Nahuel Molina iyo Juan Foyth ay dhamaantood u dagaalamayaan booska daafaca midig, halka mid ka mid ah Nicolas Tagliafico ama Marcos Acuna ayaa qarka u saaran inuu helo booska daafaca bidix.
Fernandez ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo badal ku soo galay qaybtii dambe ee labadii kulan ee ugu horeeyay ee Group-ka Argentina waxana 21 jirkan laga yaabaa in lagu soo bilaabo kulankiisii ugu horeeyay ee tartanka khadka dhexe halka Leandro Paredes uu sidoo kale riixi doono in uu ku soo bilowdo ka dib. markii kursiga keydka la dhigay kulankii Mexico.
Lautaro Martinez iyo Angel Di Maria ayaa ah labada musharrax ee ugu cadcad inay weerarka la sii wadi karaan Messi, laakiin Julian Alvarez iyo Paulo Dybala ayaa labaduba rajeynaya inay ku soo galaan XI-ga koowaad.