World Cup: Falanqeynta, Saadaasha Iyo Daawashada Kulanka Portugal vs Uruguay.

Xogta Kulanka

Portugal ayaa Wajihidoona Uruguay oo Niyada ku haya Guul uu gaadho inuu ugu soo bixidoonq wareega 16 ka ee koobka aduunka 2022. Kooxda Fernando Santos ayaa 3-2 kaga badisay Ghana ciyaartii furitaanka tartanka habeenkii Khamiista, halka Uruguay ay barbaro goolal la’aan ah la gashay South Korea horaantii maalintaas.

Portugal ayaana soo sheegin wax dhaawac ah oo ka soo gaaray kulanka Ghana, laakiin tababare Santos ayaa laga yaabaa inuu wax ka bedelo shaxdii garoonka ku soo galay kulankii ugu dambeeyay.

Rafael Leao ayaa kursiga keydka kasoo kacay, waxay u badan tahay inuu mar kale ka mid noqon doono Qeybta Keydka, iyadoo Bruno Fernandes iyo Joao Felix ay taageerayaan Ronaldo.

Santos ayaa fursad u heysta inuu keeno Diogo Dalot isla markaana uu u soo wareejiyo Joao Cancelo dhanka dambeedka bidix, laakiin Raphael Guerreiro ayaa la filayaa inuu booskiisa ilaashado kulanka labaad ee kooxda.

Dhanka Uruguay, taam ahaanshaha Ronald Araujo ayaa ahaa mowduuc muran dhaliyay, iyadoo daafaca dhexe lagu soo daray kooxda inkastoo qaliin bowdada ah lagu sameeyay dhamaadkii Sebtember.

Daafaca Barcelona ayaa mar kale la filayaa inuu halkan ku seego, sidaa darteed Caceres waa inuu ku biiraa daafaca Godin, Jose Gimenez iyo Mathias Olivera, iyadoo Matias Vecino uu ka garab ciyaarayo Valverde iyo Rodrigo Bentancur oo khadka dhexe ah.

Cavani ayaa ah dooqa muuqda ee uu ku soo gali karo XI, laakiin Suarez ayaa mar kale la filayaa inuu hogaanka u dhiibo bilowga, iyadoo Darwin Nunez iyo Facundo Pellistri ay liiska ku jiraan.

Suarez ayaa ku adkeyd kulankii South Korea, si kastaba ha ahaatee, 35-sano jirkaan ayaa u baahan doona in la qiimeeyo taam ahaanshihiisa ka hor inta aan la go’aamin inuu mar kale ka mid noqon doono XI tartankan.


Ku Xirnoow FiirsoHada