World Cup: Falanqeynta, Saadaasha Iyo Daawashada Kulanka Qatar vs Ecuador.

Koobka Adduunka 2022 ayaa ugu dambeyntii bilaawanaya. Kulanka kowaad ee Group-ka A oo ay isku wejihi doonan marti galiyayaasha Qatar vs Ecuador ayaa noqon doona kulanka furitaanka tartankan qiimaha badan.

Wax badan lagama oga awoodda martigeliyayasha Qatar. Dhammaan 26 ka ciyaaryahan ee ay ka tirsan yihiin waxay ka ciyaaraan horyaalka maxaliga ah. Waxaa tababare u ahaa tababarihii hore ee kooxda dhalinyarada Barcelona, Felix Sanchez.

Dhanka kale, Ecuador ayaa lagu doodi karaa inay ka mid tahay xulalka lama filaanka ah ee u soo baxay Koobka Adduunka 2022. Waxa ay ku dhameysteen kaalinta 4-aad ee isreeb-reebka aagga CONMEBOL, waxaana ka sarreeyay Colombia iyo Chile.

Ciyaartoyda dhowr ah ayaa mudan in la muujiyo, sida halyeygooda Enner Valencia, iyo seddex ciyaaryahan oo Brighton ah, Pervis Estupinan, Moises Caicedo iyo Jeremy Sarmiento.

Guud ahaan, Ecuador waa ay ka sareysaa dhanka kooxda martida loo yahay, waxaana ay Qatar mari doontaa tijaabadii ugu horeysey. Laakin ha iloobin, Qatar waa ay ku cimaamadan tahay horyaalka Aasiya 2019, waxaana u suurtagashay inay 4-3 ku garaacdo Ecuador 2018-kii.

Saadaasha Kulanka

Hoos Ka Daalaco Saadalaha ay Kulankaan Ka Sameeyeen Jariiradaha Ugu Caansan ee Saadaliya Kulamada Kubada Cagta, Sidoo Kale Saadaasheena Kama Marno Adna Taada Waad Dhiiban Kartaa.

Sadaalaha
Sportskeeda
Qatar 1-2 Ecuador
Sports Mole
Qatar 1-2 Ecuador
WhoScored
Qatar 1-1 Ecuador
Fiirso Hada
Qatar 2-2 Ecuador
Saadashaada?
Nagula Wadaag Halkaan

Xoggo Xiiso Leh

  • Koobkan ayaa noqon doona koobkii aduunka ugu horeeyay ee Qatar iyo kii 4-aad ee Ecuador.
  • Taariikhda, martigeliyaashaya Koobka Adduunka waligood lagama badin kulankoodii furitaanka.
  • Guud ahaan 17 gool ayaa la dhaliyay 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee furitaanka koobka adduunka.
  • Qatar ayaa badisay 4-tii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan. Ecuador ayaa barbaro 0-0 ah ku gashay 4 ka mid ah 5-tii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan.

Macalimiinta

  • Labada tababare ee Felix Sanchez iyo Gustavo Alfaro ayaan waligood horre u kulmin.
  • Alfaro waligiis kama hor imaanin Qatar.
  • Sanchez waa macalinkii ku hogaamiyay Qatar inay 4-3 kaga badiso Ecuador 2018.

Garsoor-ka

  • Kulankaan waxaa hogaaminaya garsooraha reer Talyaani ee Daniele Orsato.
  • Tani waxay noqon doontaa markii ugu horeysay ee Orsato uu garsoore ka noqdo Koobka Adduunka.
  • Orsato Weligiis Qatar iyo Ecuador kulamo ay ciyaarayan ma dhexdhexaadin.
Shaxda Macqulkaa

Ku Xirnoow FiirsoHada