Saadaasha Kulanka
ⓘ Hoos Ka Daalaco Saadalaha ay Kulankaan Ka Sameeyeen Jariiradaha Ugu Caansan ee Saadaliya Kulamada Kubada Cagta, Sidoo Kale Saadaasheena Kama Marno Adna Taada Waad Dhiiban Kartaa.
Sadaalaha |
---|
Sportskeeda
Qatar 1-2 Senegal
Sports Mole
Qatar 0-2 Senegal
WhoScored
Qatar 1-2 Senegal
Fiirso Hada
Qatar 1-3 Senegal
Saadashaada?
Nagula Wadaag Halkaan
Xogta Kulanka
Xulka Marti galinaya koobka adduunka ee Qatar ayaa la ciyaari doona xulka Senegal kulan ay labada xul ku dagaalamayaan sidii ay u badin lahaayeen kulanka.
Labada xul oo guuldaro ku bilowday koobka adduunka ayaa kulanka soo galaya sidii ay u sixi lahaayeen waxa khaldmay kulankooda 2-aad.
Xulka Qatar oo ku dhibaatootay kulankoodii hore ayaa doonaya in ay gaadhaan guushoodii ugu horaysay ee koobka adduunka taariikhdooda.
Dhinaca kale xulka Senegal oo guuldaro kala kulmay kulankoodii hore inkasta oo ay fiicnaayeen ayaa kulanka soo galaya iyaga oo ay ka go’antahay in ay badiyaan.
Kulankan ayaa noqon doona midkii ugu horeeyay ee dhexmara xulalka Qatar iyo Senegal sidoo kale, xulka Senegal ayaa markii ugu horaysay la ciyaari doona xul marti galinaya koobka adduunka.
Xulka Senegal ayaa kaliya hal kulan la ciyaaray xulalka ka soo jeeda Qaarada aasiya waxana ay la ciyaareen koobkii adduunka ee 2018 iyaga oo bar-baro 2/2 ah la galay xulka Japan.
Xulalka reer Aasiya ayaa badiyay 2 ka mid ah 3-dii kulan ee ugu dambeeay ee ay la ciyaareen xulalka reer Africa.
Kulankii Ecuador, xulka Qatar ayaa noqday xulkii ugu horeeyay ee la garaacay kulankooda furitaanka iyaga oo ah xulka marti galinaya koobka adduunka.
Shaxda Macqulkaa |
---|