World Cup: Falanqeynta, Saadaasha Iyo Daawashada Kulanka Poland vs Saudi Arabia.

Saadaasha Kulanka

Hoos Ka Daalaco Saadalaha ay Kulankaan Ka Sameeyeen Jariiradaha Ugu Caansan ee Saadaliya Kulamada Kubada Cagta, Sidoo Kale Saadaasheena Kama Marno Adna Taada Waad Dhiiban Kartaa.

Sadaalaha
Sportskeeda
Saudi Arabia 1-2 Poland
Sports Mole
Saudi Arabia 0-2 Poland
WhoScored
Saudi Arabia 1-3 Poland
Fiirso Hada
Saudi Arabia 2-2 Poland
Saadashaada?
Nagula Wadaag Halkaan

Xogta Kulanka

Xulka Saudi Arabia ayaa la ciyaari doona xulka Poland kulan ka tirsan Group-ka C ee koobka adduunka kulan ka dhici doona garoonka Education City Stadium.

Xulka Saudi Arabia ayaa kulanka soo galaya iyaga oo qarxiyay lama filaanka ugu weyn koobka adduunka kadib markii ay garaaceen xulka Argentina ee loo saadaalinayo koobka adduunka.

Dhinaca kale xulka Poland ayaa kulanka soo galaya iyaga oo doonaya in ay gaadhaan guul kadib markii ay bar-baro ku bilowdeen kulankoodii hore.

Kulankan ayaa noqon doona midkii ugu horeeyay ee uu Poland la ciyaaro xulka Suadi Arabia tan ilaa March 2006 markaas oo uu xulka Poland 2/1 ku badiyay kulan saaxiibtinimo.

Kulankan ayaa noqon doona midkii 3-aad ee uu xulka Poland la ciyaaray kooxaha reer Aasiya iyaga oo guuldaro kala kulmay South Korea ka hor inta ayna ka badin xulka Japan.

Saudi Arabia ayaa laga badiyay 9 ka mid ah 10-kii kulan ee ay koobka adduunka ka hor tageen kooxaha reer Yurub marka laga reebo guushii 1/0 ahayd ee ay ka gaadheen xulka Belguim sanadkii 1994.

Xulka Saudi Arabia ayaa badiyay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee koobka adduunka iyaga oo ka badiyay xulka Masar kulankii ugu dambeeyay ee wareega Group-yada koobkii adduunka 2018 ka hor inta ayna ka badin Argentina kulankii hore ee tartanka sanadkan.


Ku Xirnoow FiirsoHada