Qaranka Senegal ayaa kulan adag oo koobka aduunka ah waxa ay ku wajahayaan Holland kuwaasi oo wata rikoor ah in qaran African guul darro kala kulmin iyadoo tartankaan la joogo .
Kulankaan ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay ee Senegal iyo holland dhex mara , Holland wax guul darro ah kalama kulmin qaran African ah iyadoo la joogo koobka aduunka , sedex badis iyo hal bar bar dhac ayay ka wataan , halka Senegal iyana aysan guul darro wareegga Group-yada ah kala kulmun qaran Yurub ah laba guul iyo hal bar bar dhac ah ayay wataan.
Holland wax guul darro ah lama kulmin 8-dii kulan ee ugu dambeeysay ee furitaanka koobka aduunka , 6 guul iyo laba bar bar dhac ayay wataan halka Senegal ay badiyeen labadii kulan ee furitaanka tartankaan , France iyo Bolland ayay ku sameeyeen sidaas 2002 iyo 2o18.
Senegal 8 kulan ee ay ka ciyaareen koobkaan hal kulan kaliya ayay shabaqooda ilaalsadeen , waana kulankii France May 2002-dii la ciyaareen xilligaas oo ay hal gool uga badiyeen.
Waa marii sedexaad ee Senegal ka qeyb galayaan koobka aduunka , waxa ayna 2002 soo gaareen quater finalka halka 2018-kiina lagu reebay wareegga Group-yada.
Holland ayaa badisay 11 kulan oo qeyb ka ah 14 kii kulan e ugu dmabeeyay ee koobka aduunka.
Saadaasha Kulanka
ⓘ Hoos Ka Daalaco Saadalaha ay Kulankaan Ka Sameeyeen Jariiradaha Ugu Caansan ee Saadaliya Kulamada Kubada Cagta, Sidoo Kale Saadaasheena Kama Marno Adna Taada Waad Dhiiban Kartaa.
Sadaalaha |
---|
Sportskeeda
Senegal 1-2 Holland
Sports Mole
Senegal 1-1 Holland
WhoScored
Senegal 1-2 Holland
Fiirso Hada
Senegal 2-1 Holland
Saadashaada?
Nagula Wadaag Halkaan
Xoggo Xiiso Leh
- Senegal kaliya hal jeer ayaa laga badiyay ilaa hadda 2022.
- Goolkii Eduoard Mendy lagama dhalin wax ka badan 1 gool 1 kulan sanadkan.
- De Oranje lagama badin 8-dii kulan ee ugu dambeysay. 6 ka mid ah xitaa way guuleysteen.
- Waa markii ugu horeysay ee Senegal vs Netherlands ay kulmaan.
- 19 jeer oo uu wajahay kooxaha Afrika, kaliya 2 jeer ayaa De Oranje laga badiyay.
Macalimiinta
- Aliou Cisse iyo Louis van Gaal horay uma kulmin.
- Tani waa markii ugu horeysay ee Cisse uu wajaho De Oranje.
- Van Gaal horay ulama uusan ciyaarin Senegal.
Garsoor-ka
- Ciyaarta Senegal vs Netherlands waxaa dhex dhexaadin doona garsoore u dhashay Brazil, Wilton Sampaio.
- Tani waa markii ugu horeysay ee Sampaio uu qabto ciyaar koobka aduunka.
- Sampaio waligiis ma dhexdhexaadin ciyaar Senegal.
- Sidoo kale waa markii ugu horeysay ee Sampaio uu hogaamiyo kulan De Oranje.
Shaxda Macqulkaa |
---|