World Cup: Falanqeynta, Saadaasha Iyo Daawashada Kulanka Switzerland vs Cameroon.

Saadaasha Kulanka

Hoos Ka Daalaco Saadalaha ay Kulankaan Ka Sameeyeen Jariiradaha Ugu Caansan ee Saadaliya Kulamada Kubada Cagta, Sidoo Kale Saadaasheena Kama Marno Adna Taada Waad Dhiiban Kartaa.

Sadaalaha
Sportskeeda
Switzerland 2-1 Cameroon
Sports Mole
Switzerland 2-0 Cameroon
WhoScored
Switzerland 2-1 Cameroon
Fiirso Hada
Switzerland 2-3 Cameroon
Saadashaada?
Nagula Wadaag Halkaan

Xogta Kulanka

Xulka Switzerland ayaa la ciyaari doona xulka Cameroon kulan xiiso leh oo ka dhici doona garoonka Al Janoub Stadium kulan ka tirsan Group-a G.

Xulka Switzerland ayaa doonaya in ay guul ku bilowdaan tartanka koobka adduunka isla markaas dhaafaan xulka matalaya qaarada Africa.

Dhinaca kale Cameroon oo uu Halyeeygooda Samuel Eto’o u saadaaliyay in ay ku guulaystaan koobka adduunka sanadkan ayaa doonaya in ay muujiyaan kalsoonida Halyeeygoodu ku qabo.

Kulankan ayaa noqon doona midkii ugu horeeyay ee ay xulalka Switzerland iyo Cameroon ku kulmaan koobka adduunka sidoo kale waa markii 2-aad ee uu xulka Switzerland la ciyaaro xul ka soo jeeda Africa kadib markii ay sanadkii 2006 la ciyaareen xulka Togo.

Switzerland ayaa u soo baxday koobka adduunka markii 12-aad halka ay sidoo kale markii 5-aad oo xidhiidh ah ay u soo bexeen koobka adduunka.

Xulka Switzerland ayaan wax guuldaro ah la kulmin kulankood furitaanka 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ciyaareen kobka adduunka.

Xulka Switzerland ayaa ka mid ah 3 xul oo reer yurub ah oo gaadhay Wareega bug baxa mid kasta oo ka mid ah 4-tii tartan ee ugu waaweynaa koobka adduunka iyo tartanka euro-da.

Shaxda Macqulkaa

Ku Xirnoow FiirsoHada