World Cup: Falanqeynta, Saadaasha Iyo Daawashada Kulanka Tunisia vs Australia.

Saadaasha Kulanka

Hoos Ka Daalaco Saadalaha ay Kulankaan Ka Sameeyeen Jariiradaha Ugu Caansan ee Saadaliya Kulamada Kubada Cagta, Sidoo Kale Saadaasheena Kama Marno Adna Taada Waad Dhiiban Kartaa.

Sadaalaha
Sportskeeda
Tunisia 1-1 Australia
Sports Mole
Tunisia 1-0 Australia
WhoScored
Tunisia 1-1 Australia
Fiirso Hada
Tunisia 3-1 Australia
Saadashaada?
Nagula Wadaag Halkaan

Xogta Kulanka

Xulalka Tunisia iyo Australia ayaa wada leh kulan xiiso leh oo ka tirsan koobka adduunka kana dhici doona garoonka Al Janoub Stadium kulan ka tirsan Group-ka D.

Xulka Tunisia ayaa kulanka soo galaya iyaga oo raadinaya guushoodii ugu horaysay ee koobka adduunka kadib markii ay bar-baro ku bilowdeen koobka adduunka.

Dhinaca kale xulka Australia ayaa kulanka soo galaya iyaga oo doonaya in ay ka soo ka soo kabsadaan guuldaradii ay ku bilowdeen kulankii hore.

Kulankan ayaa noqon doona midkii 3 ee dhex mara xulalka Tunisia iyo Australia tartamada oo dhan iyada oo Australia ku badisay 3/0 kulan saaxiibtinimo oo dhacay 1997 halka ay Tunisia ku badisay 2/0 kulan dhacay 2005.

Xulka Australia ayaa wajahaya xulka ka socda qaarada Africa koobka adduunka markii 2-aad kadib markii ay la ciyaareen xulka Ghana sanadkii 2010.

Kadib kulankii DenmarK, Tunisia ayaa shabaqeeda ilaashatay 2 kulan 16 kulan oo ay ciyaareen koobka adduunka halka uu kulanka kale ahaa mid ay Germany la ciyaartay 1978.

Xulka Tunisia ayaa ka fogaatay guuldaro laba kulan oo xidhiidh ah markii ugu horaysay koobka adduunka kadib markii ay kulan badiyeen mid kalena bar-baro galeen.

Shaxda Macqulkaa

Ku Xirnoow FiirsoHada