Xogta Kulanka
Xulka France ayaa la ciyaari doona xulka Tunisia kulankii ugu dambeeyay ee Group-ka D waxana uu xula difaacanaya koobka adduunka haatanba xaqiiqsaday booskooda wareega xiga ee tartanka.
Xulka Tunisia ayaa isha ku haya in ay iska xaadiriyaan wareega xiga ee tartanka iyaga oo u baahan in ay ka badiyaan xulka France hadii ay doonayaan in ay u gudbaan wareega xiga.
France ayaan waligood guuldaro kala kulmin Tunisia 4 kulan oo ay la kulantay iyada oo kulankoodii ugu dambeeyay ku dhamaaday bar-baro 1/1 ah.
France ayaa 3 kulan badiyay 2 kulana guuldaro kala kulmay Xulalka Africa ee ay ka hor tageen koobka adduunka iyaga oo markii ugu dambaysay ee ay la kulmeen xul Africa ka socda 2/0 kaga badiyay Nigeria.
Tunisia ayaan wax guul ah ka gaadhin koobka adduunka ilaa haatan taariikhdooda, hadii ay guuldaro la kulmaan waxa ay noqon doontaa in ayna wax guul ah gaadhin 4 ka mid ah 6-dii kulan ee ugu dambeeyay.
Xulka Tunisia ayaan dhalin wax gool ah 27 laad oo ay ku laageen goolka labadii kulan ee ay ciyaareen koobka adduunka, xilli uuna Xulka Tunisia waligiis gool la’aan ka hadhin tartanka koobka adduunka.