Saadaasha Kulanka
ⓘ Hoos Ka Daalaco Saadalaha ay Kulankaan Ka Sameeyeen Jariiradaha Ugu Caansan ee Saadaliya Kulamada Kubada Cagta, Sidoo Kale Saadaasheena Kama Marno Adna Taada Waad Dhiiban Kartaa.
Sadaalaha |
---|
Sportskeeda
Uruguay 2-1 Korea
Sports Mole
Uruguay 1-0 Korea
WhoScored
Uruguay 1-0 Korea
Fiirso Hada
Uruguay 1-1 Korea
Saadashaada?
Nagula Wadaag Halkaan
Xogta Kulanka
Kulan xiiso leh ayaa la filayaa in uu dhexmaro xulalka Uruguay iyo South Korea kulan ka tirsan koobka adduunka.
Kulanka oo ka dhici doona Garoonka Education City Stadium ayaa la filayaa in ay labada xul ku dagaalami doonaan dhibcaha kulanka.
Xulka Uruguay ayaa kulanka soo galaya iyaga oo South Korea u arka kulanka ugu fudud marka loo bar-bar dhigo labada kulan ee kale.
Dhinaca kale South Korea ayaa doonaya in ay lama filaan kale qarxiyaan xilli ay ilaa haatan koobka adduunka ka dhacday.
Kulankan ayaa noqon doona midkii 3-aad ee dhex mara xulalka Uruguay & South Korea iyad aoo xulka Uruguay guul gaadhay labadii kulan ee hore.
Xulka Uruguay ayaa markii 14-aad ka qayb gali doona kobka adduunka iyo markii 4-aad oo xidhiidh ah tan ilaa 2010 halka ay noqon doonto markii 2-aad ee ay 4 jeer oo xidhiidh ah ka qayb galaan koobka adduunka.
Xulka South Korea ayaa markii 11-aad ka qayb gali doona koobka adduunka waana xulka ugu badan ee qaarada Aasiya halka ay markii 10-aad oo xidhiidh ah ka qayb galayaan koobka adduunka.
Uruguay ayaa badisay 6 ka mid ah 8-dii kulan ee ugu dambeeyay halka ay 2 guuldaro la kuleen sanadihii ugu dambeeyay ee koobka adduunka.
Shaxda Macqulkaa |
---|