World Cup: Falanqeynta, Saadaasha Iyo Daawashada Kulanka Wales vs Iran.

Saadaasha Kulanka

Hoos Ka Daalaco Saadalaha ay Kulankaan Ka Sameeyeen Jariiradaha Ugu Caansan ee Saadaliya Kulamada Kubada Cagta, Sidoo Kale Saadaasheena Kama Marno Adna Taada Waad Dhiiban Kartaa.

Sadaalaha
Sportskeeda
Wales 1-0 Iran
Sports Mole
Wales 1-1 Iran
WhoScored
Wales 2-1 Iran
Fiirso Hada
Wales 1-1 Iran
Saadashaada?
Nagula Wadaag Halkaan

Xogta Kulanka

Xulka Wale ayaa la ciyaari doona xulka Iran kulan ka dhici doona garoonka Ahmed Bin Ali Stadium kulan bilow u noqon doona wareega 2-aad ee Kulamada Group-yada koobka adduunka.

Xulka Wales ayaa doonaya in ay gaadhaan guul kulankan kadib markii ay bar-baro galeen kulankii hore ee ay ciyaartay waxana ay doonayaan in ay hal lug la galaan wareega xiga.

Dhinaca kale xulka Iran oo xasuuq kala kulmay xulka England kulankoodii hore ee tartanka ayaa doonaya in ay ka soo laabtaan niyada jabka.

Kulanka ayaa noqon doona midkii 2-aad ee ay ku kulmaan xulalka Wales iyo Iran, Xulka Wales ayaa badiyay kulankoodii hore kaas oo dhacay 1978.

Xulka Wales ayaa 7 jeer la ciyaaray xulalka ka dhisan qaarada yurub taariikhdooda waxana kala kulmeen kaliya hal gool iyaga oo 6-da kulan ee kale shabaqooda ilaashaday isla markaas 6/0 ku xasuuqday China kulankoodii ugu dambeeyay.

Iran ayaan waligeed ka badin xula reer yurub ah koobka adduunka iyaag oo laga dhaliyay 20 gool isla markaas 7 guuldaro kaal kulmay.

4 ka mid ah 6-dii kulan ee uu xulka Wales ciyaaray koobka adduunka ayaa bar-baro ku dhamaaday waana xulka ugu badan ee bar-bareeyay taariikhda tartanka.

Shaxda Macqulkaa

Ku Xirnoow FiirsoHada