World Cup: Falanqeynta, Saadaasha Iyo Daawashada Kulanka Argentina vs Croatia.

Saadaasha Kulanka

Hoos Ka Daalaco Saadalaha ay Kulankaan Ka Sameeyeen Jariiradaha Ugu Caansan ee Saadaliya Kulamada Kubada Cagta, Sidoo Kale Saadaasheena Kama Marno Adna Taada Waad Dhiiban Kartaa.

Sadaalaha
Sportskeeda
Argentina 1-0 Croatia
Sports Mole
Argentina 2-1 Croatia
WhoScored
Argentina 1-0 Croatia
Fiirso Hada
Argentina 1-1 Croatia
Saadashaada?
Nagula Wadaag Halkaan

Xogta Kulanka

Kulan xiiso leh ayaa caawa isaga hor iman doona Semi-final-ka koobka adduunka marka ay fooda is dari doonaan xulalka Argentina & Croatia.

Croatia waxay xiisaynaysaa inay gaarto final-ka Koobka Adduunka marka ay la Ciyaareyso Argentina semi-finalka oo ka dhicidoona Lusail Iconic Stadium.

Labada Xul ayaa soo gaaray wareega 8da iyadoo wiilasha Zlatko Dalic ay kasoo gudbeen Brazil halka La Albiceleste ay sidoo Kale Rigoore uga soo gudubtay Netherlands.

Labada xul ayaa ku dagaalami doona in ay iska xaadiriyaan Final-ka koobka adduunka Qatar 2022 xilli la galayo gaba-gabadada tartanka koobka adduunka.

Labada xul ayaa horay u kulmay 4 kulan tartamada oo dhan waxana ay haystaan rikoodh isku dheeli tiran kulamadii ay horay u wada ciyaareen.

Xulka Argentina ayaa hal kula badiyay halka xulka Croatia badiyay hal kulan isla markaas bar-baro galeen labada kulan ee kale.

Kulamada ay ilaa haatan wada ciyaareen ayaa kala ahaa 2 kulan oo koobka adduunka ah iyo 2 kula oo saaxiibtinimo ahaa.

Angel Di Maria ayaa kasoo muuqday kursiga keydka kulankii ay Argentina guusha ka gaartay Netherlands, waxaana laga yaabaa inuu kusoo laabto line-upka.

Lionel Scaloni ayaa iska badalaya 3-5-2 guusha ee jimcihii waxaana laga yaabaa inuu ku laabto 4-3-3, iyadoo Di Maria iyo Julian Alvarez ay garab taagan yihiin Lionel Messi.

Daafacyada buuxa ee Gonzalo Montiel iyo Marcos Acuna ayaa ganaax ku maqan, iyadoo Nicolas Tagliafico uu ku xigeen u yahay daafaca dambe.

Dhanka Kale Croatia Josip Stanisic ayaa weli shaki ku jiraa inuu taam u yahay Croatia, laakiin waa dhaawacooda kaliya ee ay ka walwalayaan semi-finalka.

Zlatko Dalic ayaa laga yaabaa inuu ku abaalmariyo Bruno Petkovic boos bilow ah ka dib markii uu dhamaadkii ciyaarta gool uu dhaliyay isagoo kasoo kacay kursiga keydka kulankii Brazil.


Ku Xirnoow FiirsoHada