World Cup: Falanqeynta, Saadaasha Iyo Daawashada Kulanka Belgium vs Croatia.

Xogta Kulanka

Kulanka ugu adag ee maanta la ciyaari doono ayaa ah kulanka dhexemari doona xulalka Belgium iyo Croatia kaas oo ay labada xul dhiiga u shubi doonaan sidii ay ugu gudbi lahaayeen wareega xiga.

Xulka Belgium ayaa doonaya in ay saxaan wixii khaldamay kulankii 2-aad ee ay guuldarada kala kulmeen xulka Morocco waxana ay doonayaan in ay garaacaan Croatia si ay ugu gudbaan wareega xiga ee tartanka.

Dhinaca kale xulka Croatia ayaa doonaya in ay xaqiiqsadaan booskooda wareega 16-ka ee koobka adduunka isla markaas ii wadaan guul la’aanta tartanka.

Xulka Belgium ayaa badiyay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaareen xulka Croatia iyad aoo uu Romelu Lukaku dhaliyay gool dhamaan kulamadaas.

Kulankan ayaa ah midkii ugu horeeyay ee xulalka Croatia iyo Belgium isaga hor yimaadaan koobka adduunka, xilli Croatia laga badiyay 2 kulan 10-kii kulan ee ay xulalka reer yurub la ciyaareen tartanka koobkaa dduunka.

Guuldaradii 2/0 ahayd ee Belgium ka soo gaadho Morocco ayaa soo af jartay 13 kulan oo guuldaro la’aan ah ee uu Belgium ku lahaa koobka adduunka, markii ugu dambaysay ee ay laba guuldaro oo xidhiidh ah kala kulmaan wareega Group-yada koobka adduunka ayaa ahayd intii u dhexaysay 1982 ilaa 1986.

Kulankii hore xulka Croatia ayaa dhaliyay 4 gool kulan kaliya oo koobka adduunka ah, marka kaliya ee ay taariikhda koobka adduunka sidaas sameeyeen ayaa ahayd kulan ay 4/0 kaga badiyeen xulka Cameroon kaas oo dhacay koobkii adduunaka 2014.


Ku Xirnoow FiirsoHada