Saadaasha Kulanka
ⓘ Hoos Ka Daalaco Saadalaha ay Kulankaan Ka Sameeyeen Jariiradaha Ugu Caansan ee Saadaliya Kulamada Kubada Cagta, Sidoo Kale Saadaasheena Kama Marno Adna Taada Waad Dhiiban Kartaa.
Sadaalaha |
---|
Sportskeeda
Brazil 1-0 South Korea
Sports Mole
Brazil 2-1 South Korea
WhoScored
Brazil 4-1 South Korea
Fiirso Hada
Brazil 3-0 South Korea
Saadashaada?
Nagula Wadaag Halkaan
Xogta Kulanka
Xulka Brazil ayaa caawa kulan wareega 16-ka koobka aduunka ah kahor tagaya dhigiisa South Korea xilli ay doonayaan inay kasoo kabtaan guuldarradii Cameroon kasoo gaadhay kulankii ugu dambeeyay.
Selecao ayaa booska koowaad kaga soo baxay Group ay la wadaageen Switzerland, Serbia iyo Cameroon halka South Korea booska labaad kaga soo gudubtay Group ay kula jirtay Portugal, Uruguay iyo Ghana.
Tababare Tite ayaa Brazil ku haysta saf buuxa marka laga reebo weeraryahan Gabriel Jesus iyo daafaca bidix ee Alex Telles oo dhaawacyo tartanka inta ka hadhay seejinayaa jilibka ka gaadheen.
Neymar oo dhaawac kasoo kabtay ayaa la filayaa inuu shaxda toos ugu soo noqdo isagoo No.10 dheelaya halka saddexda kale ee weeraryahan noqonayaan Vinicius, Raphinha iyo Richarlison.
Paqueta ayaa markale doorka No.8 dheeli kara isagoo kasoo hormaraya Fred iyo Bruno Guimaraes halka Danilo iyo Sandro oo qudhoodu dhaawacyo kasoo kabtay garbaha daafaca kusoo bilaabanayaan.
Dhinaca South Korea ma jiraan wax dhaawacyo ah, tababare Bento ayaa markale kusoo shirtagi kara shax ciyaareedka 4-2-3-1.