Xogta Kulanka
Xulka Morocoo ayaa isha ku haya in ay iska xaadiriyaan wareega 16-ka koobka adduunka marka ay la ciyaari doonaan xulka Canada.
Xulka Canada oo iyagu haatanba ka hadhay koobka adduunka ayaa doonaya in ay guul ku soo xidhaan koobka adduunka sanadkan.
Morocco ayaa doonaysa in ay kor u qaado magaca Africa iyo carabta isla markaas Senegal ku weheliso wareega 16-ka koobka adduunka.
Xulka Morocco ayaan waligeed guuldaro kala kulmin xulka Canada 3 kulan oo hore oo ay kulmeen iyaga oo kulankii ugu dambeeyay 4/0 ku garaacay kulan dhacay 2016.
Kulankan ayaa noqon doona markii ugu horaysay ee uu xulka Morocco la ciyaaro xul aan Yurub ahayn koobka adduunka xilli xulka Libaaxyada Atlas laga badiyay 4-tii kulan ee aanay la ciyaarin xulal reer yurub ah.
Canada ayaa laga reebay koobka adduunka iyaga oo laga badiyay labadii kulan ee ay ciyaartay, waxa haatan laga badiyay 5-tii kulan ee ay ciyaareen koobka adduunka kaliya hal xul ayaa haysta rikoodh xun Canada.
Xulka Canada ayaa kaliya gaadhay guushoodii 3-aad ee koobka adduunka kulankii Belgium xilli ay dhamaan 3-dii guul ee ay ka gaadheen koobka adduunka ka gaadheen xulalka reer yurub.