World Cup: Falanqeynta, Saadaasha Iyo Daawashada Kulanka Costa Rica vs Germany.

Xogta Kulanka

Labada qaran ayaa mar kale ku kulmaya koobka aduunka xilli Costa Rica ay baadi goonbayaan in ay ka aar gutaan Jarmalka

Waa markii labaad oo ay kulmaan Germany iyo Costa Rica, iyadoo Jarmalka ay 4-2 ku badiyeen ciyaartii furitaanka Koobka Adduunka ee 2006dii hore.

Germany ayaa badisay lix ka mid ah sideedii kulan ee koobka adduunka ee ay la ciyaareen xulalka CONCACAF hal bar bar dhac iyo hal guud darro inkastoo guuldaradii kaliya ee ka soo gaartay tartankan ay aheyd ciyaartii ugu dambeysay ee ay la ciyaaraan Mexico 2018.

Costa Rica ayaa badisay kaliya hal kulan 11-kii kulan ee ugu dambeeyay ee FIFA World Cup oo ay la ciyaartay xulalka Yurub (5 bar bar bar dhac iyo 5 guul darro ayay wataan, iyagoo 1-0 kaga badiyay Italy 2014kii.

Ka dib guushii 1-0 ee ay ka gaareen Japan maalintii labaad ee tartankaan, Costa Rica ayaa laga yaabaa inay badiso laba kulan xiriir ah Koobka Adduunka markii labaad taariikhda (2014 vs Uruguay iyo Italy).


Ku Xirnoow FiirsoHada